Muxuu Madaxa Caafimaadka Adduunku Kaga Jawaabay Eeddii Dawladda Itoobiya Usoo Jeedisay

0
558

New York, November 21, 2020- (Foore)- Madaxa Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa markii u horeysay ka jawaabay eedeyn ay u jeedisay dowlada federaalka ee Itoobiya, taasi oo ay kula xidhiidhinaysa dagaalka Tigreyga.

Tedros Adhanom ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu ku lug leeyahay dagaalka u dhaxeeya Tigreyga iyo dowladda federaalka, xili uu shalay Taliyaha ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula uu sheegay in Tedros uu maamulka TPLF ka caawinayo dhanka hubka.

Taliye Berhanu ayaa sheegay in Tedros uu wado olole ka dhan ah dowladda federaalka, isla markaana uu garabka saarayo saaxiibadiisi siyaasada ee xisbigii TPLF, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa WHO oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada ay is hayaan Abiy Axmed ee Tigreyga, ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeymahaasi, isagoona sheegay inuu dagaalkaasi dhex-dhexaad ka yahay.

“Waxaa jiray warar sheegaya in aan dhinac taageerayo, maaha arrin sax ah, waaxaanan sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda,” ayuu yidhi Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si adeegyada caafimaad iyo gargaarka bini-aadantinimo loo gaadhsiiyo shacabka go’doonsan.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay Tedros dusha u saartay inuu ka dambeeyo walaaca caalamka ee dagaalka Tigreyga iyo inuu hub u ururinayo, maadama lagu tirinayo inuu hore uga mid ahaa shakhsiyaadka ugu sareeyay xisbigii TPLF.

Si kastaba, dagaalka Tigreyga iyo Itoobiya ayaa u muuqda mid kasii daraya, iyada oo xukuumadda Abiy Axmed ku adkeysanayso inuu dagaalku sii soconayo ilaa intay isasoo dhiibayaan madaxda TPLF, kuwaasi oo ka madax adeygaya dalabkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here