Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Khilaafka M/weyne Farmaajo Iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somaliya

0
705

Hargeysa, November 21, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha aqalka Sarre ee Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi, kaas oo ah mid salka ku haya arrimo la xidhiidha doorashada Somaaliya ku soo foolka leh.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay khilaafkaas u dhaxeeya Farmaajo iyo Guddoomiyaha aqalka Sarre ee Somaaliya mid u muuqaal eeg khilaaf Siyaasadeed-yadii soo kale dhex-maray Ismaaciil Cali Abokor ,Cumar Carte iyo Siilaanyo oo isku dhinac ah iyo Madaxweynihii hore ee Somaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Biixi oo arrintaas ka hadlayaa ayaa sheegay sidan:-“Maanta Xamar waxa ka socota  waxaad moodaa sawirrkii ay Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte iyo Siilaanyo ay la hayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida Guddoomiyaha ka ah ee la yidhaah-do Cabdi Xaashi iyo dowlada Xamar ka dhisan waa sawirka sawrikisii ayaa maantana Xamar ka taagan,waxa’se nacasnimo ah kuwa u tegay ee leh Xamar ha nalagu doorto.”Ayuu yidhi

Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Farmaajo Iyo Cabdi Xaashi ?

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha aqalka Sarre ee Somaaliya ayaa ahaa muddo saddex-sanno saxiibo isku dhaw, balse hadda ayaa waxay isku seegeen arrimaha soo xulista xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee  qayb ka noqonaya Golayaasha Somaaliya “Walaalo saddex sano ayay soo socotay. Wax badan oo fara badan oo siyaasad ah oo aan heshiis ku ahayn baa jiri karta,” ayuu hadalkiisa u dhigay.

Waxaanay hadda isku seegeen Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo doonaysa inay door ku yeelato hanaanka soo xulista xubnaha ka soo jeeda Somaliland ugu hanqaltaageysa si ay u soo saarato xubno taabacsan kuwaas oo codadkooda ugu shuba Farmaajo marka la gaadho sideeda February, halka uu Cabdi Xaashi isna doonayo inuu isagu door ku yeesho

Guddoomiyaha Aqalka Sarre ee Somaaliya oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay”Dowladda waxay tidhi gobolada waqooyi ee Somaliland xubnaha kasoo gelaya guddiyada waxaa magacaabaya oo sameynaya xukuumadda federaalka; xukuumadda federaalka waxaan ula siman nahay dowlad goboleedyadda kuwaa haddeynan u dhiseyn oo aaney faragelineyn annaga maxay noo faragelin? Annagu midnimaan u joognaa, midnimo hadaan u jooganana macnaheedu maahan sidii la doonan la idinka yeelayaa,Guddiga heerka federaal waa 11 xubnood oo saddex kamid ah dowladda dhexe leedahay; Guddiga khilaafaadkana waxaan ku leenahay laba.Dhamaantooda in aan soo magacaabanaa dooneynaa”.

Waxaanu intaas ku daray “Laakiin, dad aan mas’uuliyad qaadi karin oo ciyaal yar-yaaroo lasoo uruuriyo oo kaliya cod laga doonayo waaye waxaan diidanahay,” ayuu yidhi Cabdi Xaashi Cabdillaahi guddoomiyaha Aqalka sare .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here