“Anigu Madaxweynaha Hadalkii Uu Ka Jeediyey Jinaasadii Curmar Carte Waxaan U Arkaa Hadal Aad U Liita Oo Aan Qof Miyirqabaa Ku Hadli Karin”….Abwaan Kujare

0
742

Hargeysa, November 21, 2020- (Foore) – Abwaan Cismaan Kujare oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ku tilmaamay kalmado uu ka dul jeediyay Madaxweynuhu goob Jinaase ah, hadal aanu ku hadli karin qof Miyir Qabaa.

Abwaan Cismaan kujare ayaa arintan kaga hadlay Qoraal uu soo Dhigay Bartiisa facebookga ee uu Bulshada kala xidhiidho, waxaanu dhignaa Qoraalkaasi sidan “Anigu Madaxweynaha hadalkii uu ka jeediyey Jinaasadii Cur Carte waxaan u arkaa hadal aad u liita oo aan qof Miyirqabaa ku hadli karin dhawr sababood awgood.

1- Marka hore xabaal dusheedbuu ku caytamay oo wax ku nacdalay.

2- wuxuu isku meteley ama isku maqaam ka dhigay Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte Siilaanyo iyo Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi goormuu Cabdi Xaashi Mujaahidka noqday?”.

3-Dawladii farmaajo ayuu qaarna caayayaa qaarna leeyahay maxaa loogu ixtiraami waayey inay Soo xulaan Baarlamaanka Soomaaliya yaab iyo lama arag?

“Hadaba Madaxweynuhu haduu wadani yahay Mujaahid sheeganayo qiiradu ka dhabtahay muxuu Xasan guure oo Mujaahid ahaa Halgamaa ahaa Xabaashiisii u tegi waayey cumar cartena uga dul ooyayaa?”

“Su,aal kale muxuu Madaxweynuhu Mahdina u caayayaa Cabdi Xaashina u amaanay ? Anigu markaan ra,yigayga ka dhiibto waa qabyaalad cad oo aan geed isku qaris lahayn, Ma Caaqil reerbaynu dooranay mise Madaxweyne qaranbaynu u dooranay? Bal hada idinkuna ra,yigiina ka dhiibta, Ma Nin qoys usoo shaqa tegaa qarankii loo doortay, Ilaahay marxuumka dhintay Cumar Carte haw Naxsriisto”. Ayuu qoraalkiisa ku soo koobay.

Cismaan Kujare ayaa hore uga tirsanaa Xisbi Xaakimka Kulmiye waxaana sannadkii hore laga saaray Xisbiga, isagoo markiiba ka mid noqday Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wakhtiganna aad u dhaliila siyaasadda Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here