Muqdisho, November 15, 2020- (Foore) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalkaasi Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa warqad u qoray beesha caalamka isagoo dowladda dhexe ee Maamulka Muqdisho ku eedeynaya inaanay qaab sharci ah u marin magacaabista guddiyada doorashada. Warqadaan waxay si toos ah ugu socotaa Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika, wuxuuna Cabdi Xaashi ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay hanaan sharciga baalmarsan u mareen magacaabista guddiyada aad looga walaacay.
Xubnaha mucaaradka ayaa aad uga walaacsan guddiyada ay dowladda dhexe magacowday ee doorashada, waxaana lagu eedeeyay iney ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda Nabad-Sugidda, shaqaalaha madaxtooyada iyo sidoo kale taageerayaasha dowladda.
Arrintaasi waxay keentay shaki laga qabo haddii ay guddigaas qaban karaan doorasho loo wada siman yahay, waxaana jira walaac badan oo laga qabo in doorashada qabsoonto.
Cabdi Xaashi ku eedeeyay madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Agaasimaha NISA Fahad yaasiin Xaaji inay musuqmaasuqeen xubnaha doorashada ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Cabdi Xaashi wuxuu si adag u diidan yahay in madaxweynaha, taliyaha NISA iyo ra’iisul wasaarahaba ay faragaliyaan doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi, wuxuuna sheegtay inuu yahay qofka ugu sarreeya ee ka socda isla markaana uu isaga xaq u leeyahay.
Xaaladda Khilaafka nidaamka Doorashooyinka dalkaasi Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya iyada oo Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo lagu eedeeyey in uu diyaarsaday shaadh isaga le’eg oo uu toshay kaasi oo la xidhiidha dhammaanba hawlaha doorashada khuseeya oo uu isagu isku tolayo si ay ugu sahlanaato in uu dib ugu soo laabto talada dalkaasi oo uu doorashada ku guulaysto.