Ciidamo Masaari Ah Oo Soo Gaadhay Suudaan, Dhoollatus Milatari Oo La Baxay Gorgorrada Niilka-na La Samayn Doona Suudaan Iyo Xogo Tibaaxay Weerar Ay La Maaggan Yihiin Biyo-Xidheenka Itoobiya!

0
734

Khartoum, November 15, 2020- (Foore)- Afhayeen Lagu Magacaabo Taamir Al Rufaaci oo u hadlay Taliska Guud ee Ciidamada Gaarka ah ee waddanka Masar ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee waddanka masar ay maalinimadii Sabtidii soo gaadheen waddanka Suudaan si ay halkaasi ugaga qayb galaan Carbis iyo dhoollatus Milatari oo loogu magac daray “Dhoollatuskii Gorgorrada Niilka” kaasi oo ay ciidamada Masaaridu si gaar ah ula samayn doonaan ciidamada waddanka Suudaan.

“Ciidamada Gaarka ah ee waddanka Masar gaar ahaan Guutooyin si gaar ah u carbisan ayaa Sabtidii Toddobaadkan waxa ay ka soo dageen Madaarka Saldhigga Ciidan ee Marwa Air Base oo ay leeyihiin Suudaan si ay uga qayb galaan Dhoollatuska Milatari ee Gorgorrada Niilka 1 oo ah dhoollatus iyo Carbis is barkan oo muddo socon doona” Ayuu yidhi Taamir Al Rufaaci oo warbaahinta Masaarida iyo kuwa Suudaan la hadlayay.

Sida uu baahiyay wargeyska Al Ahraam Cutubyadan Masaarida ah ayaa waxa ay ka tirsan yihiin Ciidamada Cirka iyo kuwa weerarrada gaarka ah in ay qaadaan loo carbiyay kuwaasi oo aanu wargeysku faahfaahin ujeedada dalkaasi Suudaan loo geeyey balse ilo-wareedyo arrinka ciidankan u dhuun daloolaa waxa ay shabakadda Al Carabiya u sheegeen in ay noqon karto xaalad la xidhiidha tallaabo ay ciidanka Masaaridu ka qaadaan dhaamka weyn ee dalka Itoobiya oo muddoba la hadal hayay in ay burburin doonaan, gaar ahaan muddoda gaaban ee uu talada dalka Maraykanka hayo madaxweyne Trump oo isagu hore u sheegay in ay Masar weerar ku burburin doonto biyo-xidheenkaasi.

Dhoollatuskan Milatari ayaa haddaba waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay wada jir u sameeyaan labada dal ee Suudaan iyo Masar waligood isaga oo socon doona illaa 26-ka Bishan  Noofembar, waxaanu hoos iman doonaa wajiga koowaad ee Dhoollatuskan oo loogu magac Daray “Gorgorrada Niilka 1”.

Afhayeenka Ciidamada Masar u hadlay Taamer Al Rufaaci ayaa sharraxay in dhoollatuskan oo sidoo kale ay ku jiraan qaybo tababarro kale ahi ay noqon doonaan kuwo si xidhiidh ah maalin walba u dhaca kuwaasi oo lagu soo ban dhigi doono awoodda ciidamadaasi wada jirka ha ee Masar iyo Suudaan u leeyihiin qorsheynta iyo maareynta falalka dagaal, hannaanka hab wada jir ah loogu qaado weerarro dagaal iyo Arrimo kale.

Afhayeenka Ciidanka Masaarida u hadlay waxa uu sheegay in Tababarka ay sidoo kale ka mid noqon doona dagaalyahanno si gaar ah u carbisan oo ka kala socda labada dhinac oo fulin kara weerarro iyo hab difaac oo heer sare ah kuwaasi oo ku aaddan hadba Bartilmaameedka loo qoondeeyo in ay weerar culus ku qaadan.

Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Masar Lieutenant General Maxamed Fariid ayaa kula kulmay magaalada Khartoum ee Caasimaddda Suudaan saraakiisha dalka Suudaan 3-dii Bishan November iyagoo kala hadlay qaababka loo xoojin karo iskaashiga militariga iyo amni ee labada dal. Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo shaqada wadajirka ah ee tababarka, amniga xuduudaha, la dagaallanka argagixisada, iyo warshadaha milatariga.

Si kastaba ha ahaatee lama oga ujeedada dhabta ah ee dhoollatuskan iyo Tababarkan wada jirka ah inkasta oo in badan walaac laga qabo in ay labadan dal isku kaashanayaan weerar ah ku burburiyaan dhaamka biyo xidheenka ah ee dalka Itoobiya oo ay muddoba diiddanaayeen, waxaanay xaaladdani ku soo beegmaysaa wakhti Itoobiya ku jirto xaalad dagaal sokeeye ah kii ugu xumaa muddo dheer. Kaasi oo walaac weyn ku haya dalkaasi iyo guud ahaan dalalka jaarka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here