Arday Reer Somaliland Ah Oo Dhakhtarnimo Ka Baranaysay Jaamacadda MAQALE Ee Tigrayga Oo Go’doon Ku Jira Iyo Eheladooda Oo FOORE U Waramay

0
2630

Mekelle, November 16, 2020- (Foore) – Arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Caafimaad u tagay deegaanka Ismaamulka Tigrayga ee Itoobiya ayaa ku godoonsan, waxaana la sheegayaa in tan iyo maalintii uu dagaalku qarxay aan qaar ka mid ah ardaydaasi  war iyo wacaal laga hayn meel ay ku nool yihiin ama nafta ula carareen, halka qaar ka mid ah la kulantay Hay’adda Bishacas.

Ardaydan ayaa iskugu jirtay qaar waxbarasho Caafimaad iyo waxbarasho kale oo bilaash ah ku tagay Jaamacadda Makelle University oo ku taala Caasimadda Deegaanka Ismaamulka Tigrayga 2018-kii, gaar ahaan waxbarashada heerka labaad ee Master-ta ee Caafimaadka, waxaana sida lanoo sheegay hawshooda markii hore u fududaysay Jaamacadda Hargeysa oo ay xidhiidh wada shaqayneed yeesheen Jaamacadda Makelle University ee Tigrayga. Waxa Ardaydan ka mid ah dhakhaatiir sare oo jaamacadda Hargeysa ka baxay kuwaasi oo ka hawlgali jiray Dhakhtarka weyn ee Hargeysa kuwaasi oo illaa maalintii dagaalku qarxay la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Qaar ka mid ah Magacyada Ardaydan oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa ay ubadan yihiin Dhakhaatiir shahaadidii koowaad ka qaatay ee Dhakhtarnimada ka qaatay Jaamacadda Hargeysa islamarkaanna dhamaantood ka hawlgalayay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa, waxaana ka mid ah: 1 – Dr Mukhtar Muxumed Odowaa, 2- Dr Amiin Cabdi Aadan Oo Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa,Qaybta Shaybaadhka Ka Hawlgali Jiray, 3- Dr Caydaruus Cali Bakaal 4- Dr Cumar Cilmi, Iyo Dhakhaatiir kale oo aanaan nasiib u helin magacyadooda iyo Sawiraddooda.

Qaar ka mid ah ehelada Ardaydan  oo Wargeyska Foore la xidhiidhay ayaa u sheegay inay aad uga war warsan yihiin nolosha Ardaydooda oo xaalad Culusi lasoo daristay islamarkaana uu ku dul bilaamay dagaal aan waxba la isku hambaynayn hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ay sidoo kale noo sheegeen in gabi ahaanba mar qudha la jaray telefankii iyo khadkii kale ee ay kuwada xidhiidhayeen islamarkaana ay wal wal iyo walaac ku nool yihiin, aadna uga cabsi qabaan inuu saamayn ama khasaare kasoo gaadho dagaalka xoog badan ee ay Itoobiya ku qaaday Ismaamulka Tigrayga oo todobaadkii saddexaad hadda galay.

Axmedyaasiin Muuse Muxumed oo ay walaalo yihiin Dr Mukhtaar Muuse Muxumed ayaa  ugu horayn aanu khadka telefanka kala xidhiidhnay,waxna ka waydiinay arintan,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“Walaalkay Mukhtaar waxa uu tagay Sannadkii 2019-kii Mekelle University oo ku taala deegaanka Tigrayga oo uu ka diyaarinayo waxbarashada labaad ee Caafimaadka,waxa uu markii hore ka baxay oo uu Waxbarashada heerka koowaad ee dhakhtarnimada ka dhamaystay jaamacadda Hargeysa qaybteed Caafimaadka, inta aan ogahay tirade dhakhaatiirta uu walaalkay Hargeysa ka raacay waxaan ku maqlay illaa afar Dhakhtar inay ahaayeen oo isagu kujiro islamarkaana ay isku Facult wax ka wada baranayeen”

Waxa kale oo uu yidhi “waxa noogu war dambaysay intaantu dagaalku bilaabin, saddex todobaad imika ka hor, meel lagala xidhiidho majirto, habeenkaasi dagaalku bilaami doono ayaa khadkii aanu kala xidhiidhnay la jaray,wali xagga dawladda umaanu kicin laakiin waxaanu  dawladda leenahay arday badan oo reer Somaliland ayaa ku xaniban ee haka war doonaan, waxaanay u badan yihiin ardayda caafimaadka wax ka barata,waayo  ardaydii kale intoodii badnayd waxa loo soo fasaxay xaaladda Cudurka Coron virus-ka,Illaahay ayaanu ka rajaynaynaa in Alle ka nabad galiyo balaayadda, markii hore waanu dhayalsanay oo inay dagaal gaasdhsiisan tahay maanu moodayn oo si kedis ayuunbay nagu noqotay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Axmedyaasiin.

Dhinaca kale waxaanu la xidhiidhnay Cabdi Aadan oo isna ah Aabaha Dhalay Dr Amiin Cabdi Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta ku xaniban Tigrayga waxaana uu yidhi “Walaal waa dhab, wiil aan dhalay oo Waxbarasho u tagay Jaamacadda Magalle ayaa ku godoonsan halkaasi, saddex todobaad ayaanu la’ayn meel uu ku nool yahay oo khadkii ka go’aan, shallay ayuu saddex minit wax ka yar ay ila soo hadashiiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda Bishacas oo uu sheegay inay u yimadeen, waxaanu ii sheegay inuu bad qabo isaga iyo Arday badan oo Reer Somaliland ahi. Halka uu joogo  wali wax dagaal ah ama dhibaato ahi kama dhicin, waanu iska fiican yahay, Alle ayaan ka baryaynaa inuu Soo bad baadiyo, Bisha Cas ayaa uu wiilkaygu ii sheegay inay u diyaarinayso sidii ay halkaasi uga soo saari lahayd insha Allah”. Ayuu Cabdi Aadan ku soo koobay hadalkiisa.

Waxa ay Ehelada Dhakhaatiirtani Tigrayga ku xayirani Xukuumadda iyo Cid kasta oo xal  heli karta ka baryeen inay kala hawlgalaan soo samotabixinta ardaydaasi ku xayiran Goobta dagaalka qadhaadhi ka socdo ee Tigrayga, iyagoo sidoo kalena sheegay inay jiraan Arday kale oo reer Somaliland ah oo iyana halkaasi ku dhibtooni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here