Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Oo Shaaciyay Inuu U Taagan Tahay Golaha Wakiilada Somaliland & Ujeeddada Musharaxnimadiisa

0
753

Hargeysa, November 16, 2020- (Foore)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Maroodi Jeex ayaa si rasmi ah u shaaciyay Muraxashnimadiisa Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo ka tartami doona Gobolka Maroodi Jeex.

Afhayeen Barkhad oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu hadallada cad inta badanna dhaliila nidaamka hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo waliba xisbigiisa KULMIYE waxa uu shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada Wakiilada Somaliland, waxaanu qoraal kooban oo uu ku baahiyay mareegta Facebook ku yidhi sidan: “Waxaan maanta si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan isu sharaxi doono Doorashadda Goolaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

kadib markii aan garwaaqsaday in qaranku u baahan yahay goole wakiileed oo leh xirfad sharci, awood ay kula xisaabtamaan xukumadda, aqoon ay ku sameeyeen xeerar badan oo qabyo qaranka ka ah uguna mihiimsan yihiin xeerarka 60 sanno jirtsaday ee dhex yaal Maxkamaddaheena lana jaan qaadi karin nolosha casriga ah kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel badan u baahan iyo in laga dhigo xeerar magacaga qaranka Somaliland ku qoran oo umaddani leedahay maadama oo kuwani yihiin kuwo dawladdii Somalia leedahay sidoo kalena la sameeyo xeerar badan oo dalkeenu u baahi qabo.

Kadib markii aan ku qancay in loo baahan yahay cid bulshada baylahdeeda caafimaad, waddo, biyo, laydh, waxbarasho, horumar kula xisaabtanta hay’addaha xukumadda u xilsaaran arrimahaas waxay shacabka wax ugu qaban waayeen?

Kadib markii ay i soo baxday in bulshadu ka daashay qabyaalad ay wax ku doorato una baahan tahay cid matalaadeeda iyo masiirkeeda qaada oo danaheeda dawladda u sheegta ayaan gaadhay go’aanka ah in aan isku sharraxo xildhibaan baarlamaan.

Waxaan ku kalsoonahay in aad igu garabsiin doontaan, igu taageeri doontaan, codkiinana igu dooran doontaan si aan idiinku adeego oo aan shaqaale shicib idinku noqdo balse aanan noqon mid shilimaadkiina urursada. hamigeygu waa sarreynta sharciga iyo ilaalinta sharafta shicibka.” Ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here