Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha Rabshadihii Shalay Illaa Xalay Ka Socday Hargeysa, Goob Garoonka U Dhaw Oo Dab La Qabadsiiyay Iyo Tiro Boolis & Shacab Isugu Jira Oo Dhaawacyadoodii La Keenay Cisbitaalka Hargeysa

0
919

Hargeysa, November 14, 2020- (Foore)- Rabshado gacan ka hadal ah oo keenay dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay qaar ka mid ah ciidamada Ammaanka iyo dad shacab ah oo wakhtigan lagu dabiibayo Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa ayaa ka dhashay kulankii kubadda cagta ahaa ee ka tirsanaa tartanka koobka Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shalay ciyaar ka mid ahayd wareegga Semi-finalka ay isku haleeleen kooxaha Daadmadheedh iyo Hawd, taasi oo ay ka dhasheen rabshado culus oo illaa xalay goor dambe ka taagnaa agagaarka Hargeysa Stadium.

Kulanka xulalka Daadmadheedh iyo Hawd ayaa wakhti uu gabogabo ku dhawaa waxa mar kali ah garoonka ka istaadhmay gadood iyo rabshado culus kadib markii kooxda xulka Hawd mid ka mid ahi garsooraha kulankaasi uu gacan ka hadal kula kacay isaga oo ka xumaa gool laga qabtay kooxdooda oo ay ku doodeen in uu goolwaduhu soo baxay go’aanka garsoorkuna yahay mid caddaalad darro ah.

Rabshadihii garoonka ka dhacay ayaa keenay in qaar ka mid ah dadkii kulankan u soo daawasho tagay oo cadhaysani ay garoonka iyo dibaddaba ka dhigaan rabshado culus. Booliska ayaa rasaas nool miciinsaday in ay kor u ridaan si ay dadka u kala dareeriyaan halka dadkiina bilaabeen in ay xataa Ciidamadii ammaanka dhagxaan ku boobaan oo ay la dhacaan taasi oo keentay in dhawr askari ku dhaawacmeen dhagxaan lala beegsaday halka dad kale oo tiro ahina ku dhaawacmeen falkaasi iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee aanu rabshadahaasi ka helnay tibaaxeen in mid ka mid ah dadka dhallinyarada ah ee dhaawacmay oo rasaasi ku dhacday ay xaaladdiisu liidato. Wiilkan dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse oo ku magac dheer Bariis ayaa muuqaallo laga baahiyay rabshadahaasi muujiyeen isaga oo dhulka yaalla oo xaalad miyir doorsoon ah ku jira dadkuna ula yaaceen dhinaca cisbitaalka iyaga oo sheegay in ay xabbadi haleeshay. Salmaan Aadan Cabdille ayaa isna ah nin dhallinyaro ah oo ay xabbadi kaga dhacday bawdada, halka Askari ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Jamaal Khadar Cabdi uu isna ahaa dhaawac kaasi oo wariye ka tirsan wargeyska Foore oo dhaawacan dul tagay loo sheegay in lala dhacay dhagaxaan. Waxaana sidoo kale Wargeyska Foore loo sheegay ruux dumar ah oo xaaladdeedu liidato taasi oo Iyana ka mid ahayd dadka rabshadahan ku dhaawacmay, halka ay tirade haweenka rabshadaha ku dhaawacmay naloogu sheegay illaa 3 dumar ah.

Dhinaca kale rabshadahan ayaa illaa xalay sii socday waxaana dad goob joog ahi noo xaqiijiyeen in goob u dhaw Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ay dab qabadsiiyeen kooxo dhallinyaro ahi, halka wali ciidamada ammaanka iyo dhallinyaro gadoodsani wakhtigaasi isku baacsanayeen goobo u dhaw garoonka. Ciidanka oo rasaas ridayay iyo dhallinyarada oo dhagaxaan ciidamada la beegsanayay. Lama hubo khasaaraha dhabta ah ee falalkan ka dhashay inta ay le’eg yihiin walina aanay ciidamadu si rasmi ah uga hadal dhacdadaasi.

Rabshadahani markii ay garoonka ka bilaabmeen waxa masuuliyiintii garoonka ku sugnaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Bilayska Somaliland kuwaasi oo markii rabshaduhu bilaabmeen isku dayayay in ay xaaladda dejiyaan.

Daawo Sawirrada Dhaawacyada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here