Tirada Tahriibayaal Ku Dhintay Doon Kula Degtay Xeebaha Waddanka Liibiya Iyo Wadamada Ay U Dhashen

0
577

Tripoli, November 14, 2020- (Foore)- Ugu yaraan 74 tahriibayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii doontii ay la socdeen oo cilladi ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya sida ay Qaramada Midoobey sheegtay. Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 qof oo la socday doonta qalibantay. Liibiya ayaa ah inta badan marinka tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaas doonaya inay gaaraan wadamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan.

IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000 oo kale lagu celiyay Libya, halkaas oo ay sheegtay inay kala kulmaan xarig iyo xadgudubyo kale. Maalintii Arbacadii Shan tahriibayaal ah ayaa dhintay halka 100 kalena la badbaadiyay kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Liibiya meel aan ka fogeyn jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa. Muhaajiriin ayaa sidoo kale dhintay iyagoo isku dayaya inay gaaraan Jasiiradaha Canary ee dalka Spain kuwaas oo katagay Galbeedka Afrika. 140 ka mid ah ayaa bishii la soo dhaafay ku qaraqmay xeebta Senegal markii doontii ay la socdeen dab qabsaday oo ay degtay.

Halkee ugu dambeysay oo doontu ku degtay ?

IOM ayaa sheegtay in shilku dhacay xeebta Khums ee Libya Khamiistii shalay. Doonta ayaa la sheegay inay siday in ka badan 120 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur. Ilaalada xeebaha iyo kaluumeysatadu ayaa gacan siiyay kuwa ka badbaaday degidaanka doonta. Waxaa jira ugu yaraan sagaal markab oo wada tahriibayaal kuwaas oo ku go’doonsan bartamaha badda Mediterranean-ka ilaa 1-dii bishii Oktoobar, sida ay sheegatay IOM. Federico Soda, oo ah madaxa howlgallada IOM ee dalka Libya, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado talaabooyin waxtar leh oo looga hortagayo socdaalka khatarta badan. “Khasaaraha sii kordhaya ee nolosha ee badda Mediterranean-ka ayaa ah mid muujinaya awood la’aanta dowladaha inay qaadaan talaabooyin go’aan qaadasho ah” ayuu yiri Federico Soda. Hay’adda socdaalka aduunka ee IOM, ayaa sheegtay in Libiya ay tahay meel amni ahaan aan lagu aamni karin muhaajiriinta isla markaana ay ku noqon karaan tahriibayaasha laga soo badbaadiyey badda, iyagoo ka baqaya inay la kulmaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Liibiya dowlad sal adag kama jirin tan iyo markii la riday Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii, inkasta oo ay jirto rajo laga qabo wadahadalada hadda socda ee ay hogaaminayso Qaramada Midoobay inay horseedi karaan dowlad ku meel gaar ah oo dalkaa ka hana qaadda ka dibna doorasho la qabto si loo dhiso dowlad lagu wada qanacsanyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here