Muqdisho, November 14, 2020- (Foore)- Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in Soomaaliya laga joojiyo u rarida walxaha qarxa ama laga samayn karo aaladaha dilaaga ah ee qarxa, xilli ay gudaha dalkaasi Soomaaliya si weyn uga taagan tahay khatarta weerarrada Is qarxinta ah iyo dagaallada riiq dheeraaday.
Kulan uu dorraad yeeshay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu meel-mariyey in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya ee walxaha sababi kara qarxa, iyadoo ay jirto ‘khatar weyn’, iyaga oo sheegay in loo isticmaali karo weerarada Al-Shabaab ee dadka badan lagu halligo. Dowladda federaalka Soomaaliya ee ciidamada AMISOM waardiyeeyaan ayuu goluhu usoo jeediyay inay sii laba jibaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah, oo muddooyinkii dambe kusii xoogeysanayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qaraarkaasi ayaa waxa lagu ansixiyey ’13-0′, iyada oo ay u codeeyeen dalalka Ruushka iyo Shiinaha, taasi oo sii adkeynaysa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana ka hor imaneysa dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab millateri ah. Qaramada Midoobay ayaa hore u baahisay warbixin ay ku sheegtay in kooxaha xagjirka ah ay gudaha Soomaaliya ka ururiyaan lacago baad ah oo dhan 21-Milyan, midaasi oo walaac uga muujisay khatarta amni ee dalka.
Ugu dambeyntiina golaha ayaa si wada-jir ah u cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska, iyagoona muujiyay walaac ay ka qabaan joogitaanka kooxo xiriir la leh kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya. Qaraarkan ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe sarre u kacayeen weerarada Al-Shabaab, iyago oo isla sanadkan gudihiisana dhowr hoobiye ku garaacay garoonka diyaaradaha caalamiga ee aadka loo ilaaliyo, halkaas oo ay ku yaallaan safaaradda Mareykanka iyo xarumo muhiim ah.