Abiy Axmed Oo Ciidamada Itoobiya Ku Amray Inay Soo Qabqabtaan 39 Madaxda Tigreega Ah Oo Uu Ku Jiro Madaxweynaha Kililka Tigray & Kuwo Milatari

0
683

Addis Ababa, November 14, 2020-(Foore)– Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Kornayl Abiy Axmed ayaa shalay oo Jimce ahayd waxa uu soo saaray amarkii ugu cuslaa tan iyo markii uu ku dhawaaqay in uu dagaal la galay dawladda Deegaanka Tigreega isaga oo ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya amar ku siiyay in ay dagaalka kordhiyaan si ay ugu suurto gasho in ay gacanta ku soo dhigaan madaxda Tigreega oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha ismaamulka Tigreega Debretsion Gebremichael oo uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono haddii la soo qabto.  Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay waraaq ay ku amrayso xadhiga saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigrayga, xilli uu dorraad Khamiistii xaasanadda ka qaaday Baarlamaanka federaalku madaxda gacanta ku haysa gobolkaasi oo dhaca waqooyiga waddanka Itoobiya.

Amarkan ayaa kusoo beegmaya wakhti ay howl-galo xooggan oo millateri ay ciidamada federaalku ka wadaan gobolka Tigrayga, dagaalo qadhaadh oo dhimasho badan iyo dhaawacba ka dhashay uu halkaasi ka socdo isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidanka Itoobiya deegaano hor leh, sida uu shalay shaaciyey Abiy Axmed, Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya.

Waraaqda ay soo saartay dowladda federaalka Itoobiya ee lagu xidhayo saraakiishaasi, ayaa sidoo kale waxa ku xusan siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed ka taliya gobolka Tigrayga. Mudanayaasha Aqalka golaha wakiillada ee dalka Itoobiya ayaa shalay kulan xasaasi ah oo ay ka yeeshen xaaladda gobolka Tigrayga ayaa waxay xasaanadda ka qaadeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dowladda federaalku ay kula jirto dagaal culus.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi, sida lagu sheegay war kasoo baxay kulanka ay shalay yeeshen xildhibaanadu. Waxa saraakiishaasi ugu horreeya madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa iyada oo ay si weyn u qasan tahay xaalada gobolka Tigrayga oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maamulka meylka adag iyo dowladda federaalka, oo iyadu ka sheegatay dagaalkaasi guulo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here