Hargeysa, November 12, 2020- (Foore)- Xildhibaan Maxamed Diiriye Nac-nac iyo la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka hadlay fadeexadii hadhaysay toddobaadkan garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium xili ay ciyaar addag ku dhex maraysay xulalka Hawd iyo Badhan, kaas oo laydh la’aan noqday markii uu gabalkii dhacay iyadoo la shitay Mobilada iyo qashaafadaha Kamaradaha.
Xildhidhaan Nac-nac ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn innaga oo 30 sanno Dowlad ahayn,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in arrintaas si deg –deg ah wax looga qabto, isla markaana aanay mar dambe dhicin arrintaas oo kale, waxaanu xusay in loo baahan yahay in garoonka loo sameeyo laydh u baxa xiliyada habeenkii haddii lagu ciyaarayo iyo haddii kaleba.
Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan :-“Garoonkii ceeb ayaa ka dhacday innaga oo 30 sannadood Dowlad ahayn ayaa garoonkeenii laydh la’aan looga cararay,wasaaradda Ciyaaraha nus-qaan ayey ku tahay, markaa waxaan leeyahay garoonka ha lagu ciyaaro ama yaan lagu ciyaarine waa in laydh loo sameeyo ama ha lagu ciyaaro ama yaan lagu ciyaarine inuu shidmaa ayaa loo baahan yahay,taas oo kale mar dambe yaanay dhicin .”Ayuu yidhi Nac-nac
Waxaanu intaas ku sii daray “Maqribka dabadii ayaa la isla gaadhay meeshii ayaa madoobaatay iminka qoladdii laga badiyey waxay leeyihiin waanu badin lahayn haddii meeshu ay iftiin leedahay.”Ayuu yidhi Nac-nac
Dhanka kalene la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in aan loo baahnayn in la bar-bar dhigo garoonka Hargeysa ka Muqdisho ee ay Hay’adduhu dhiseen”Garoonkeena aynu cashuurta ka dhisaynay maxaad u barbar dhigaysan ka muqdisho ee hay’addahu dhiseen.” Ayuu yidhi ex wasiir Cabdillaahi Cukuse.