Mekele, November 12, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Xoogagga Tigreega TPLF ee dagaalka qadhaadh kula jira ciidamada Federaalka Itoobiya Dr. Debretsion Gebre Michael ayaa sheegay in Deegaankiisa Tigraay ay Jilibka u dhigayaan dagaal xooggan oo uu ku tilmaamay mid dhantaali doona Midnimada iyo wada Jirka shucuubta itoobiya, sidoo kalena sheegay in uu dagaalka soo galay Madaxweynaha Eretria Esayas Afawerk oo uu sheegay in uu dhabar jabin ku hayo ciidamada Tigreega halka dhinaca kale dawladda Itoobiya sheegtay in ay qabqabteen 17 Askari oo sarsare kuwaasi oo eedaymo culs loo haysto.
Dr. Debretsion Gebre Michael, Guddoomiyaha kooxda TPLF waxa uu sheegtay in dagaalka ay khasaare ba’an ugu gaysteen ciidamada Federaalka ah isaga oo xusay in ay ka dileen ugu yaraan 500 oo askari muddodii uu dagaalku socday hana qabsadeen hub iyo saanad Milatari oo badan isaga oo sheegay in iyaga dhincooda ay kaga dhinteen ku dhawaad 100 askari. Balse taa baddalkeeda Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ku dhawaad 550 askari ka dileen xoogagga Tigraay walise lama hayo xaqiiqooyin madax bannaan. “Shacabka Tigreegu waxa ay u dagaalami doonaan xaqooda illaa qofka ugu dambeeyaa sii noolaanayo. Waxa aanu naqaanaa dagaalka iyo sida xornimo loogu noolaado oo aan loo noqon kuwo dullaysan. Waxaanu dhammaan difaacan doonaa dhulkayaga waxaanan ka adkaan doonaa kalidii taliye Abiy Axmed oo ah nin doonaya in uu dhisto nidaam adag oo isaga u gaar ah. Dagaalku si weyn ayuu u bilaabmay waxaana soo galay dagaalka Madaxweynaha Ereteriya. Xagga dambe ayay nagaga soo dhufteen waanan ka adkaanay oo dib u celinay. Xalku wuxuu ahaa inuu ahaado mid siyaasadeed. Balse hadii uu noqday qori caaradii annana waa is difaacaynaa waanan guulaysan doonaa ugu dambayn. Hadda waxaa jira dagaal xoog leh oo jilbaha dhulka la isu dhigay. Waxaan sameyn doonaa wax alla wixii ay rabaan Abiy iy kooxdiisu. Shacabka Tigreegu uma sujuudi karo kuwa kusoo duulay. Taariikhdu waa markhaati. Xoog kusoo duulay ma jilcin karo shacabka Tigreega gudo iyo dibadba. Tan waxaa lagu celin doonaa ficil ahaan. Hadda kooxda Abiy iyo Esayas waxay weerarayaan dadka Tigray” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kooxda TPLF Dr. Debretsion Gebre Michael, Guddoomiyaha.
Dhinaca kale dawladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay qabqabteen 17 Askari oo u badan saraakiil sare oo Milatari oo ay ku eedeeyeen hawlo basaasnimo, hub ay u gudbinayeen Tigreega iyo khadka Isgaadhsiinta oo ay ka khalkhal galiyeen ciidamada.
Warbixin ay dawladda Itoobiya ka soo saartay xaaladda ciidankan la qabqabtay oo wargeyska Foore idiin soo turjumay ayaa waxa ay ku tidhi sidan: “Waxay ku kaceen khiyaano qaran iyagoo abuuray xaalad u wanaagsan TPLF kadib markay jareen nidaamyadii isgaarsiinta ee u dhaxeeyay taliska waqooyiga iyo kan dhexe, ayuu yidhi Komishanka Booliska Federaalka.
Iyagoo iska dhaafaya masuuliyaddii ay u hayeen dowladda, shacabka itoobiya iyo ciidanka difaaca, waxay ku biireen shirqoolka kooxda TPLF iyagoo banaanka soo dhigay sirtii ciidanka difaaca si ay u weeraraan.
Eedaysanayaashan 17-ka sarkaal ah ayaa la sheegay in uu ku jiro Majer Generaal Gebremedihn Fekadu, oo lagu naanayso ‘Wedi Necho’ kaasi oo la qabtay ka dib hawlgalkii wadajirka ahaa ee ay qaadeen ciidanka difaaca iyo kuwa bilayska federaalka Itoobiya.
Eedaysanaha koowaad ayay warbixintani ku sheegtay Major General Gebremedihn kaasi oo gacanta loogu soo dhigay qaar gacan ka hadal ah isagoo isku dayay in uu la dagaalamo kooxdii ciidanka ahayd ee soo qabanaysay waxaana la sheegay in uu qorshaynayay in uu Gobolka Tigraay u diro 11 sanduuq oo ay ka buuxaan walxaha qarxa iyo gantaallo gaar ahaan garnayllada garabka laga tuuro si uu ugu xoojiyo ciidamada Maamul Goboleedka Tigraay ee TPLF isaga oo ku hagayay ama u marsiinayay isgaadhsiintan uu gacanta ku hayay ee ciidanka” ayaa lagu yidhi warbixinta.