Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Ka Xog-warramay Shirkii Beelaha Direed Oo Uu Ka Qayb-galay Iyo Arrimaha Doorashooyinka Somaaliya

0
568

Nayroobi, November 12, 2020- (Foore)- Siyaasi Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay shir beelaha Dir ay dhawaan ku qabsadeen caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, waxaanu sheegay inuu shirkaas ahaa mid lagaga hadlayey arrimo la xidhiidha aayahaha beesha Dir ee ku dhaqan guud ahaan-ba Geeska afrika.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa isaga oo ku sugan dalka Kenya la hadlayey Telefishanka Bulshatv ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“ shirkaas wuxuu ahaa shir belleed ayuu ahaa ee muu ahayn shir siyaasiyiinta Dir ay iskugu imanayeen odayaasha dir ayaa sidii ay beeshaasu ay wax u wada qabsan lahayd Geeska Afrika deganaansha ahay degantahay iyaduna ay badhaadhe ka samayn lahayd oo dadka kale ee la degana ama ha noqoto Somaali ama ha noqoto Oromo iyo qoomiyaadka kale ee ku nool sidii ay ula noolaan lahayeen,arrintaas mid halkaa haysata ayey ahayd .” ayuu yidhi Buubaa

Prof Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Beesha Dir ee shirkaas ka qayb-gashay uu arrinkoodu ahaa mid ka dhex toos ah,balse uu shirkaas ahaa mid dhaqan,waxaanu xusay inuu isna uu habeen ka qayb-galay shirkaas “Waxaan aaminsanay in siyaasiyiinta kasoo dhex muuq-muuqday ay ahayd arrin ku soo bood ah oo aan la isla ogeyn ,habeen ayaan ka qayb-galay laga hadlayey sidii qoomiyada Dirku ay qoomiyadaha kale wax ula qabsan lahayd si wanaagsan ayaana loo hadlayey , lakiin’se arrintan siyaasiyiinta ka dhex muuqday dano gaar ah iyaga oo wata ayey meesha tegeen tiina waa ka dhex sheegeen,halkiina waa lagu dhaafay .”Ayuu yidhi Buubaa.

Dhanka kalena Prof Buubaa ayaa sheegay in aanu shirkaas ahayn mid lagaga hadlayey doorashada ku soo foole Somaaliya, balse uu ka sal-ballaadhnaa. “Dir kuma uu iman inuu ka arrin saddo arrimaha soomaliya oo kaliya ka socda,lakiin waxa laga hadlayey arrimaha Dir meel kasta oo uu joogo ama Jabuuti ha noqoto ama Somaliland ha noqoto ama Itoobiya iyo Kenya inuu arrimahaa ka wadda haddlo ee ay may ahayn mid arrimahaa gaarka ku lug leh.”ayuu yidhi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here