Muqdisho, November 12, 2020-(Foore)- Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaannada ugu qabqablaysan Golaha Shacabka ee dalkaasi Soomaaliya iyo xubno kale oo golahaasi ka tirsan ayaa si ba’an waxa ay weerar ugu qaadeen Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dawladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay ku eedeeyeen nin shacabkiisa Somaliland ee uu ka soo jeedo ku gumeeyey Muqdisho halka uu kaliya gaar u noqday u guul wadaynta iyo difaaca Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaannada sidoo kalena ah Musharaxiinta u taagan doorashada la filayo in ay dalkasi ka qabsoonto sannadkan dhammaadkiisa ayaa waxa uu Mahdi Guuleed ku sifeeyey nin ku kibray Muqdisho balse ugu dambayn ku kufi doona isaga oo u soo qaatay maahmaah ay reer Xamarku dadka ay liidayaan u soo qaataan waxaanu sidaa ku yidhi qoraal uu shalay warbaahinta u kala diray.
Mahad salad ayaa daba socday qoraal uu Mahdi Guuleed warbaahinta u qaybiyay oo uu ku yidhi, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”
Mahad Salaad oo haddaba ka jawaabaya hadalka Mahdi Guuleed ayaa isna yidhi “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!”
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa intaas ku sii daray “Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xildhibaan/Musharrax Madaxweyne Mahad Salaad oo Muqdisho ka soo jeedaa.