Sida fikrada wanaagsan, aqoonta iyo waayo-aragnimadu ina bartay ama ina barayso dadyowga kala duwan ee heer calami, heer qaaradeed, heer dowlado jaarnimo ka dhexayso, heer dowlad walba gaarkeeda ah iyo heer deegaano dowlada ka mid ah waxa soo maray ama ka jira masuuliyiin kala duwan oo sida ay xilkooda u gudanayaan nooca ay tahay wanaag ama wanaag la,aan ay qaarkood masuuliyad wanaag dadkooda iyo dalkoodaba ku horumariyeen oo ay ku dayasho mudan yihiin.
Ø Hadaba Aayada 269aad ee suuratul Al Baqarah ee aynu hore u soo sheegnay waxay nuxur ahaan sheegaysaa in Alle cida uu doono xigmad u hibeeyo, xigmaduna tahay wanaag badan, waanadana ay qaataan dadka caqligooda fikrad wanaagsan oo ay ku dhaqmayaan ku jirto. Waxa aynu ognahay in ay jiraan xigmad iyo maahmaah, xigmadu waa murti iyo odhaah xaqiiq ku salaysan oo ka soo fusha qofka Alle xigmad siiyay sida Aayadu tilmaantay, maahmaahduna waa qiso ama dhacdo lasoo maray oo marka ay timaado ama la arko dhacdo ama qiso la macno ah ama aad ugu macno dhow tusaale loogu soo qaato oo lagu matalo.
Hadaba xigmadu waxay ka mid tahay xilgudashada iyo masuuliyad wanaaga aynu dadka ku wacyi-galinayno.
Ø Aayada 105aad ee suuratu Attowbah ee aynu soo sheegnay waxay nuxur ahaan sheegaysaa in Alle S.W. leeyahay waxa aad masuulka ka tihiin qabta. Alle, Rasuulka iyo muminiintuba way arki sida aad wax u qabanaysaan ka dib waxa la’idiin celin oo la’idin horgayn Alle oo idin xisaabin doona sida aad u qabateen waxa aad masuulka ka tihiin.
Dhinaca kale hadii aynu Aayadan ka eegno, Nabigu N.N.K.H markii uu wafaaday (dhintay) sida laga soo wariyay Abiibakar AL Sadiiq I.R.H markay qaar asxaabta ka mid ah ay jecelkii ay Rasuulka N.N.K.H. u qabeen dartii u qaadan waayeen dhimashadiisa uu ku yidhi: Qofkii Nabiga caabudayay isagu wuu dhintay. Qofkii Alle caabudayayna isagu wuu joogaa oo waa baaqi sidaas awgeed kaalintii Rasuulka S.C.W. waxa ku jira cida maamul haysa iyo bulshada oo ay waajib ku tahay in ay isha ku hayaan sida uu qof kasta u gudanayo masuuliyada saaran iyo in uu masuuliyada gudan karo iyo in kale, si loo ogaado in masuuliyad wanaag jirto iyo in kale.
Ø Aayada 81aad ee suuratul Yoonis ee aynu hore u sheegnay nuxurkeedu waxa weeyi: Alle ma wanaajiyo ama wax dadka waxtar u leh kama dhigo shaqada ama masuuliyada uu qofka u xilsaarani xumeeyo oo waxa la ogaanayaa in aanu masuuliyadii wanaajinin.
Ø Xadiiska ay bukhaari iyo muslim wariyeen ee aynu hore u sheegnay nuxurkiisu waxa weeyi : xadiiskani waa mid si toos ah oo cad u sheegaya muhiimada musuulnimada wanaagsani u leedahay aadamaha oo wuxuu sheegay in dadku raaci wada yihiin oo qof walba masuul ka yahay waxa la raaciyey. Raacina dhinaca luuqada carabig ah waa qofka oo loo diray loona xilsaaray in uu eego oo uu daryeelo xoolaha uu Adhigu ka mid yahay, lana waydiinaayo sida uu xilkaas u gutay ama u gudanayo.
Xadiisku masuuliyada dadka wada saaran wuxuu tusaale u soo qaatay madax-weynaha oo masuuliyad qaran saaran tahay, ninka oo masuuliyada qoyskiisu saaran tahay, Gabadha oo masuuliyada guriga ninkeedu saaran tahay iyo qofka shaqaalaha (khaadimka) ah oo masuuliyada shaqada loo dhiibay saaran tahay. Xadiisku wuxu ku khatinmay oo mar uu labaad sheegay in dadka oo dhan xil wada saaran yahay (Raaci wada yihiin) qof kastana masuul ka yahay waxa loo xilsaaray si uu masuuliyadiisa u wanaajiyo.
Ø Xadiiska uu AL Bayhaqi ka wariyay caa’isha I.R.H ee aan soo sheegnay wuxu nuxurkiisu yahay : Ilaahay wuxuu jecel yahay qofka marka uu shaqo qabanayo shaqadaas wanaajiya sobobtoo ah wuxuu gartay in uu masuul ka yahay xilka saaran oo si fiican ayuu u gutay oo shaqo wanaaga qofka Ilaahay ayaa ku jeclaada.
Ø Xadiiska Imaam Axmed iyo Tarmiidi ka soo wariyeen c/laahi Binu Busri ee aynu hore u soo sheegnay nuxurkiisu wuxuu yahay : dadka waxa ugu wanaagsan qofka da’diisu (cimrigiisu) dheeraado camalkiisuna ama shaqadiisuna fiicnaato, sobobtoo ah da’daas dheeraatay wuxuu kaga faa’idaystay masuuliyada saaran oo uu si wanaagsan u guto.
Ø Xadiiska Addabraani iyo ibnu casaakir ka soo wariyeen Jaabir binu Abdilaahi ee aynu hore u soo sheegnay waxa uu nuxurkiisu yahay : dadka waxa ugu wanaagsan qofka ugu nacfi iyo waxtar badan dadka kale. Cabiraad kalena waa : shaqo waxa ugu wanaagsan ta wax anfacda, sobobto ah qofka shaqadiisa dad ku anfacaa wuxuu si wanaagsan u gutay masuuliyada saaran. Lasoco Qaybo Kale ……