Hargeysa, November 12, 2020- (Foore)- Mashruuc Ballaadhan oo qiimo badan qaranka ugu fadhiya ayaa waxa Salaasadii Dorraad si rasmi ah qodobka uga jaray Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland iyo Bangiga Caalamiga ah ee DAHABSHIIL kaasi oo ah Mashruuc la xidhidha Tamarta wakht shacabka Somaliland baahidii ugu badnayd u qabaan Tamar deegaanka la saaxiib ah oo aan waxba yeelin sidoo kalena horumarisa dhaqaalaha iyo nolosha shacabka.
Mashruucan oo aan noociisa oo hore qaranka looga hir galin ayaa waxa uu noqon doonaa mid wejigiisa koowaad yahay Maalgelinta iyo Kobcinta Shirkadaha ka shaqeeya Dhinaca Tamarta noocyadeeda kala duwan gaar ahaan Tamarta Qorraxda, si ay iyaguna Agabka Tamarta ku shaqeeya oo Tayo leh, lana awoodi karo u gaadhsiiyaan Dadka aan awoodin ee ku nool Meelaha ka baxsan Magaalooyinka, sida Dadka Reer Miyiga ah ama reer Guuraaga ah, qalabkaasi oo ka kaabaya adeegga ugu yar ee ay Koronto uga baahan yihiin.
Mashruucan ballaadhan oo uu Maalgelinayo Baanka Adduunka, waxa fulinaysa Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, halka Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil uu yahay kan maamulaya kuna guulaystay kadib tartan loo galay Mashruucan.
Xafladda Ballaadhan ee Daah-furka Mashruucan ayaa dorraad Salaasadii lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay Saraakiil ka kala sooctay xarumaha dawladda, Ururrada Bulshada, Kambaniyada dalka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Marti sharaf kale oo badan waxaana halkaasi lagu soo ban dhigay faahfaahimo la xidhiidha ujeedada Mashruucan iyo sida ay shacabka Somaliland uga faa’iidasan doonaan iyada oo Mashruucan awoodda lagu saari doono dhinacyada Tayada iyo in uu gaadho cidda ugu baahi badan oo ah shacabka Somaliland. Waxaana masuuliyiinta furitaanka Mashruucan hadallo kala duwan ka soo jeediyey, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Guddoomiyaha Komishanka Macdanta Iyo Tamarta Md. Axmed Faarax Cadarre, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Muuse Ibraahim Salaf, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dahabshiil International (DBI) iyo Patrick Thaddayos Balla oo ka socday Bangiga Adduunka kaasi oo khudbad madasha kaga soo jeediyay dhinaca Khadka isgaadhsiinta.
Ugu Horrayn waxa Mashruucan iyo Ujeedadiisa faahfaahin ka bixiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxaanu yidhi: “‘Somaliland Electricity Access Project (SEAP) waa Mashruuc ballaadhan oo dhinaca tamarta ah oo ay ka faa’iidaysan doonaan shacabka Somaliland, si gaar ah waxa uu noqon doonaa mid shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Cusboonaata (Renewal Energy) Maal-gelin loogu samayn lahaa oo loo siin lahaa deeq aan Deyn ahayn, si ay iyaguna Dadka kale u gaadhsiiyaan Korinto tayo leh oo qiimo badan. Waxa uu Mashruucani ka qayb qaadan doonaa koboca dhaqaalaha waddanka maadaama Korontadu lagama maarmaan u tahay hannaanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee umaddani meel ku gaadho.”
Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Muuse Ibraahim Salaf oo isaguna madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashruucan isaga oo sheegay in ka wasaarad ahaan wixii kaga aaddan ay ka qayb qaadan doonaan. “Tamartu waxay aad iyo aad muhiim ugu tahay Nolosha Bani-aadamka, waxay muhiim u tahay dhaqaalaha Waddanka, waxayna saamaysaa dhinac kasta oo Nolosha ka mid ah..” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Koomiishanka Qaranka ee Tamarta, Axmed Faarax Cadarre oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Hay’adaha Dawladdu way istaageeraan, markaa waxaanu taaganahay in la gaadho oo la helo Laydh Jaban ama la awoodi karo, taasina waxay ku xidhan tahay wax soo-saarku hadba inta uu le’egyahay, Laydh aan deegaanka, Xayawaanka iyo Hawada midna aan waxyeelo gaadhsiin oo la saaxiib ah. Annagu ka koomishan ahaan waanu cusub nahay waxaanan wasaaradda ka wada shaqayn doonaa sidii qarankani u heli lahaa tamar baahidooda daboosha waana siyaasadda dawladda waxaanan mashruucan ku tilmaami karaa mid qiimo badan qaranka u leh oo u baahan in laga faa’idiaysto.”
Maamule ku-xigeenka Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International, Mudane Cabdikariin Maxamed Ismaaciil oo xafladdan ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay doorka Bangiga DAHABSHIIL ee Mashruucan iyo guud ahaan xaaladda Mashruuca waxaanu yidhi: “Mashruucan waxa maal-galiyay Baanka adduunka waxaana fulinaysa wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta, halka ka DAHABSHIIL Bank ahaanna tartan dheer ka bacdi isaga oo la tartamay shirkado badan oo maaliyadeed in uu maamulo Mashruucan ayuu ku guulaystay isagaana maamuli doona. Mashruucan waxa loo maamuli doonaa qaab hufnaan leh (Transparency and Accountability) iyada oo la raacayo hagayaal loo diyaariyay, waxaa si gaar ah Bangiga DAHABSHIIL uu doorkiisu sidoo kale noqon doonaa in uu soo xulo oo tartansiiyo, qiimaynta iyo dhammaan process-kaasi wixii la hal maala in uu u raaco nidaam wanaagsan.
Ugu dambayn, waxa Mashruuca si Rasmiya u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanu yidhi: “Waa Mashruuc noociisu cusub yahay oo bilow yahay marka laga eego dhinaca korontada. Waxa aynu ognahay in hawl culusi innaga sugayso horumarinta korontada waddanka. Waxa aynu ka wada dharagsanahay xaaladda Korontada dalkeena. Lama odhan karo waynu ugu dambaynaa ee waxa la odhan karaa waxa aynu nahay ka ugu qaalisan caalamka qiimaha korontada. Waddanka ugu qaalisan baa la innagu tiriyaa. Waxaana sabab u ah qaabka loo dhaliyo korintadaasi iyo walaxda laga dhaliyo oo ah tan ugu qaalisan wax korinto laga dhaliyo waana shidaalka oo waddan ku tiirsani adduunka aanu jirin innaga mooyaane. Mashruuca ujeedadiisu waa sidii loo gaadhi lahaa ee ay Laydh u heli lahaayeen Dadka deggan meelaha Magaalooyinka ka durugsan deggan, hadday tahay reer Miyiga, hadday tahay Tuulooyinka yaryar, Mashruucu waa sidii aynu laydh u gaadhsiin lahayn Dadkeena intiisa badan oo reer Miyi ah..” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal.