Hargeysa, November 5, 2020- (Foore)- Tartankii koobka kubadda cagta xulalka Gobollada dalka ayaa si xiiso badan uga socda garoonka kubadda cagta Hargeysa Satadium waxaana shalay kulamadii ciyaaray foodda isku galiyay xulalka Gobllada Awdal iyo Salal halka ay Xulalka Gabilay iyo Togdheerna ciyaartii labaad ku kala calaf qaadeen.
Xulka kubadda cagta Gobolka Gabilay ayaa wacdaro baday oo 2-1 ku muquuniyay dhiggooda xulka Gobolka Togdheer oo isagu sidaasi tartanka kaga gadhay kadib markii labadii ciyaarood ee uu illaa imika ciyaaray labadaba laga badiyay.
Goolka koowaad waxa xulka Gobolka Gabilay u saxeexay Ciyaartoyga Xamse Hindi kaasi oo natiijada ciyaarta ka dhigay gool ay ku hogaaminayaan xulka Gobolka Gabilay. Ciyaarta oo socota weerar iyo weerar celisna ku socota ayaa waxa mar kale u suurto gashay xulka Gobolka Gabilay in ay la yimaaddaan goolkooda labaad waxaana daqiiqaddii 45aad u saxeexay xiddigooda Mukhtaar Messi kaasi oo kubbad qurux badan daba mariyay Goolhayaha xulka Gobolka Togdheer.
Ciyaarta ayaa qaybteedii labaad sidaasi ku sii socotay iyada oo xiddigaha xulka Gobolka Togdheer ay la yimaaddeen Gool.
Ciyaaryahan Amiin ayaa daqiiqaddii 70aad Goolka madiga ah u dhaliyay xulka Gobolka Togdheer.
Ugu dambaynna ciyaartii ayaa ku dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday Gobolka Gabilay oo isagu sidaasi ugu gudbay wareegga labaad ee Tartanka. Maadaama uu labadii kulan ee Sool iyo Togdheer uu la yeeshay uu ka urursaday 4 dhibcood. Maadaama uu ciyaartiisii hore barbar dhac uu SOOL la galay ka keensaday dhibicda.
Xiddigaha xulka Gobolka Togdheer ayaa sidaasi tartanka kaga hadhay maadaama kulankoodii labaad oo xidhiidh ah laga badiyay waxaana kulankii hore ka badiyay xulka Gobolka Sool.
Dhinaca kale ciyaartii labaad ee shalay dhacday waxa ay dhex martay xulalka Gobollada Awdal iyo Salal waxaana 1-0 ku badiyay xulka kubadda cagta Gobolka Awdal oo isna sidaasi ugu soo gudbay wareegga xiga ee tartankan. Goolka ay ku badiyeen xulka Gobolka Awdal waxa u saxeexay xiddigooda Bahdoon Mario. Tartanka Ciyaaraha Gobolada ayaa si xamaasad weyn leh waxa uu uga socdaa Magaalada Hargeysa iyada oo guud ahaan Gobollada dalka iyo jaaliyadaha dibaddaba laga dareemayo sida xamaasadda leh ee Gobol waliba u taageerayo xiddigaha ka socda Gobolkooda waxaana xusid mudan in tartankani wax badan ka mashquuliyay dadka siyaasadda iyo qabyaaladda.