Hargeysa, November 5, 2020- (Foore)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukun shan sano ah waxa ay gadhka u galisay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf halka ay sidoo kale gabi ahaanba xayirtay Telefishankaasi sidoo kalena ay xukun ganaax lacageed ah oo dhan 2-Milyan oo dollar ay ku riday Mulkiilahan oo muddooyinkii ugu dambeeyey dacwaddiisu ka socotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Md. Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa si adag u dhaliilay qaabka xukunkaasi u dhacay oo uu caddaalad darro iyo sgarci darro ku tilmaamay, waxaanu Gudoomiye Xuuto isaga oo arrintaasi faahfaahinayana waxa uu yidhi: “Sida aad hore ula socoteen waxa muddoba xidhnaa oo xukuumaddu xabsiga dhigtay dacwadanina ku socotay Mulkiilihii Telefishanka madaxa bannaan ee ASTAAN TV. Muddo saddex bilood ah ayuu xabsiga ku jiray dacwaddiisuna imika muddo ayay soo socotay. Dacwaddaasi maraaxil kala duwan ayay soo martay.
Maanta (Shalay) ayay noqotay in xukun laga soo saaro dacwaddaasi. Urur ahaan wixii awooddayada ahayd waanu garab taagnayn Mulkiilaha ASTAAN Tv mudadii xabsiga iyo dacwaddu socotay. Xukunkaasi haddaba ku dhacay Masuulkani waxa ay nagu nooqtay ka urur ahaan arrin fajiciso ah oo u qaadan waa ah. Wax aan la filayn ayay maxkamaddii xukuntay iyo caddaalad darro aad u weyn. Muddoda dacwaddu socotay waxa aanu soo bandhignay SOLJA iyo qareennada u doodayay Cabdimanaan wax kasta oo xaqiiqo ah oo ku salaysnaa in aanu ninkaasi qabin eedda loo haystay.
Halka dhinaca kale xeer ilaalintu ku fashilantay eedda ay soo gudbiyeen in ay caddaymo ku filan u keenaan. Waxaanan u aragnaa eedda loo haystay gaar ahaan qodobkii basaasnimada markii ay u waayeen caddaymo ku filan in ay xukunkan iska soo saareen. Muddo lix sano ah oo aan xilka hayyay ayaanu imika maxkamadaha si joogto ah u joognay. Wali xukun noocan ah oo maxkamaduhu ku dhawaaqaan maanu arag. Qaabka loogu dhawaaqay waxa uu ahaa arrin ugub ah oo nagu cusub.
Garsooraha xukunkan riday gabi ahaanba mid kali ah eedihii lagu soo eegay Cabdimanaan muu sheegin waxa uu xukunkiisa u cuskaday muu shaacin ee kaliya wax auu sheegay in la xayiray Telefishankii oo sidoo kalena isaga xadhig shan sano ah iyo ganaax lacageed la isugu daray. Arrinkaasi wax aanu qaadan karno ma aha mana aha xukun caddaalad ah waxaanan ka qaadanay rafcaan. Kama quusan doono caddaaladda iyo garsoorka dalka ee waxaanu la tagi doonaa maxkamadda rafcaanka arrinkan oo ah mid layaab leh oo ayaan darro ah” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac.