Burco, November 4, 2020- (Foore)- Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa toddobaadkan baahiyey sawirr ay dareen cadho leh ka bixiyeen xulka Kubada Cagta ee Gobolka Togdheer iyo Tageerayaashooda iyo Bulshada GobolkaTogdheer Xili uu baahinayey natiijada kulan kamid ah ciyaaraha gobolada Somaliland oo toddobaadkan dhex martay xulalka Togdheer iyo Sool, kaas oo ay guushu ku raacday xulka Sool .
Telefishanka Qaranka Somaliland oo isagu si toos ah u baahiyay kullamada Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee ka socda garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium ayaa xili uu baahinayey natiijada kullan dhex-maray xulalka Sool iyo Togdheer wuxuu soo qaatay oo uu baahiyey astaan iyo Sawirro dad afrikaan ah oo yaacaya oo badhtanka ugu jira loogada iyo Magaca GobolkaTogdheer, taas oo aan ahayn astaantii dhabta ahayd ee Hasha iyo Nirigta ee u gaarka ama lagu garto xulka GobolkaTogdheer, waxaana Sawirkaas dareen cadho leh ka bixiyey Ciyaartoyga iyo Xulka kubada cagta ee Gobolka Togdheer iyo Tageerayaashooda iyo guud ahaanba bulshada Gobolkaas, kuwaas oo ku micneeyey mid lagu sumcad dilayo gobolkaas,isla markaana sharaftooda meel lagaga dhacay,waxaanay sheegeen inuu Telefishanku baahiyey Sawirr lagu aflagaadayno xulkaas, kaas oo aan ahayn astaantoodii Hasha iyo Nirigta ahayd
Qaar kamid ah Tageerayaasha Xulka Gobolka Togdheer ayaa fariimo kale duwan oo ay kaga dareen celiyeen baahinta uu Telefishanka Qaranku baahiyey Sawirkaas meel ka dhaca iyo sharaf dilka ku ah Xulka Gobolka Togdheer ku baahiyey Baraha Bulshada kuwaas oo ahaa qaar ay ku muujinayaan inay ka xun yihiin Sawirkaas aflagaadada iyo dacaayada ahaa ee uu Telefishanka Qaranku ka baahiyey xulkaas, waxaanay ku macneeyeen inuu ahaa mid loo badheedhay ee aanu ahayn mid si khalad ah loo baahiyey,iyagoo ku baaqay in sharciga la marsiiyo cidii falkaas ka dambeysa ama ku baahisey Telefishanka Qaranka Somaliland .
Dhanka kalene Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa qoraal uu baahiyey ku sheegay inuu raaligelin ka bixinayo khaladkaas oo uu ku tilmaamay mid aan loo badheedhin , balse uu ahaa mid dhanka farsamada ah, kaas oo u dhignaa sidan :-“Waxaanu ka raali gelinaynaa Sawirr khalad nooga raacay astaanta gobolka Togdheer Shalay, Sidaa dartee waxaanu ka raali gelinaynaa Maamulka Gobolka Togdheer,Ciyaartoyga iyo shacab weynaha gobolkaas khaladkaas oo ahaa mid farsamo oo aan ku talogal ahayn .”Ayaa lagu yidhi war-qad qoraal ah oo lagu baahiyey barta Facbuuga ee Telefishanka Qaranka Somaliland.