Muhiimada Masuuliyad Wanaaggu U Leedahay Horumarka Dadka Iyo Dalka (Wacyi-galin Masuuliyadeed) – W/Q. G: CIISE YUUSUF FAAHIYE …… Q: 1aad

0
1326
  1. Aayada 269aad ee suuratul al baqrah wuxu Ilaahay ku yidhi (wuxuu Ilaahay xigmada siiyaa qofkuu la doono, qofka xikmad la siiyana waxa la siiyey khayr badan, waanadana ma qaataan ama ma aqbalaan dadka caqliga leh ama caqligoodu Bad qabo mooyaane).
  2. Aayada 105aad ee suuratul Altowba wuxuu Ilaahay ku yidhi (Shaqeeya ama u camal fala Alle wuu arkayaa waxaad qabanaysaan, ama shaqaynaysaan, Rasuulkuna N.N.K.H.A wuu arkayaa dadka mu’mininta ahina, way arkayaan. kadib waxa la laydinku celin doonaa ILaaha og waxa maqan ama qarsoon iyo waxa jooga ama muuqda. Markaana wuu idinkula xisaabtami doonaa waxaad qabanayseen ama si aad u shaqaynayseen).
  3. Aayada 81aad ee suurada Yoonis wuxuu Alle ku yidhi ( Alle ma suubiyo ama wanaag kama dhaliyo shaqada ay qabanayaan dadka shaqada xumeeya ama fasahaadiya).
  4. Xadiiska Bukhaari iyo muslim ay wariyeen waxa uu nabigu N.N.K.H.A. ku yidhi ( Dhamaantiin qof walba wax ayaa loo xilsaaray ama loo diray oo la raaciyay, Dhamaantiina waa la xisaabin oo waa la waydiin waxa loo xilsaaray sida aad u maamusheen. Madaxweynaha masuuliyada ama xilka ugu weyn ayaa saaran ama la saaray waana waydiin sida uu dadka iyo dalka maamulay ee uu masuuliyadiisa u gutay, ninku guriga qoyskiisa ayuu masuul ka yahay oo loo xilsaaray waana la weydiin sida uu xilkaas u gutay, Gabadhu guriga ninkeeda ayay masuul ka tahay oo la raaciyey waana la waydiin sida ay xilkeeda u gudatay, qof qof kale shaqaale (khaadim) u ah hantida ama shaqada loo shaqeeyuhu u xilsaaray ayuu masuul ka yahay waana la weydiin sida uu howshiisa u gutay, dhamaantiin wax ayaa loo xilsaaray qof walbana waa la weydiin sida uu xilkiisa u gutay).
  5. Xadiiska uu Al bayhaqi ka wariyey caasha I.R.H.A nabigu N.N.K.H wuxuu yidhi ( Alle wuxuu jecelyahay qof idinka mid ahi marka uu shaqo qabanayo in uu shaqadaas wanaajiyo ama xilka la saaray uu si fiican u guto).
  6. Xadiiska imam axmed iyo tarmadi ka wariyeen cabdilaahi binu busri Nabigu N.N.K.H. wuxuu yidhi ( Dadka waxa ugu khayr badan qofka cimrigiisu dheeraado camalkiisa ama shaqadiisuna wanaagsanaato).
  7. Xadiiska Addabraani iyo Ibnu Casaakir ka warinayeen jaabir binu cabdilaahi A.R.H. wuxuu nabigu N.N.K.H. yidhi ( Dadka waxa ugu khayr badan qofka ugu nacfi iyo waxtar badan dadka).

Tacbiir ama cabiraad kalena wuxu  yidhi ( Camal ama shaqo waxa ugu wanaagsan kii ama tii nafci ama waxtar leh).

Hordhac

Marka hore waxan qoraalkan ku soo bandhigayaa hordhac kooban si dadkayga aan jecelahay ama aan wanaaga la jecelahay ay u fahmaan ujeedada dhabta ah ee aan ka leeyahay qoraaladdan oo taxane noqon doona hadii Alle idmo.

  1. Ujeedada qoraalkan sida sare ku sheegan waa muhiimada ay masuuliyad wanaagu u leedahay horumarka dadka iyo dalka iyo wacyi-galin masuuliyadeed.
  2. Masuuliyad iyo maamul: waa laba odhaahood oo aad isugu macno dhow balse waxay ku yar kala duwan yihiin maamulka waa xil qof saran oo Alle saaray marka hore marka hoos loo dhaadhacana qaybo maamulka ka mid ah ay dadku saareen qofka sida xilalka kala duwan ee dawladu dadka qaar u magacowdo iyo xilalka kala duwan ee dadku u doortaan qaar ka mid ah, masuuliyaduna waa shay Alle iyo dadkuba ku arkayaan qofkaasi in uu xilkii la saaray si wanaagsan u gutay iyo in kale oo hadii uu si fiican u guto dadka iyo dalkuba horumarayaan hadii kalena fadhiidnimo ama dib u dhac ku imanayo dadka iyo dalkaba.
  3. Wacyigalinta masuuliyeed: wacyi gelin macnaheedu waa dadka oo loo sheego wax aanay garanayn ama la xasuusiyo wax ay ilaaween ama marmar dareenkooda ka maqan ama dadka oo loo xoojiyo wax ay garanayaan si ay u noqdaan dad baraarugsan oo soo jeeda. Wacyigelinta waxa ishaartay Aayada Qur’aanka ah ee 12aad ee ALxaaqa, Aayadaas oo Ilaahay markii uu ka waramay qoomamkii gaaloobay ee la halaagay ee Samuud, Caad,Fircoon, iyo kuwii ka horeeyay ……… , si xusuusin iyo wacyigalin ah uu Alle ku yidhi (waxanu dhacdooyinkaa taariikheed idiinku sheegaynaa si ay waano iyo xasuusin idiinku ahaadaan waxana fahmaysa ama ku waano qaadanaysa dhagtii baraarugsan ama wacyigashan). Hadaba wacyi-gelinta masuuliyadeed waxay xambaarsan tahay saddex (macne) oo kale ah :
  4. In aynu Bulshada ku wacyi-gelino ama ku baraarujino inay fahmaan ama gartaan qofka waajibkiisa masuuliyeed si wanaagsan u gutay ama u gudanaya si horumar loo gaadho.
  5. In cidda qof kale xil u dhiibaysa aynu ku wacyi-gelino ama ku baraarujino in uu hubiyo inuu qofkaasi waajibkiisa masuuliyeed si wanaagsan u gudan karo iyo in kale.
  6. In qofka xil loo dhiibay ee masuuliyad qaaday ama ay masuuliyad saaran tahay aynu ku wacyi gelino culayska ay masuuliyada saarani leedahay oo xilka masuulnimo yahay amaano loo dhiibay oo sida uu u guto la eegayo oo ay waajib muqadasa ah ku tahay in uu masuuliyada saran u guto si ay dadka iyo dalkuba uga horumaraan dhinac walba.

Mar labaadka  aynu u gudubno in aynu sheegno sida Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga N.N.K.H  ee sare ku xusan iyo kuwo kale oo la macno ah ama u macno dhow ay ugu qotomaan ama ugu salaysan yihiin muhiimada masuulnimo iyo wacyi-gelinta masuuliyadeed ee aynu ka hadlayno.

……Lasoco qaybo kale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here