Masuuliyiinta Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyey Inay Hayb-Qabyaaladeed Ku Kala Tageerayaan Ciyaartoyga Gobolada Iyo M/Biixi Oo Loogu Baaqay Inuu Tallaabo Ka Qaado

0
573

Hargeysa, November 5, 2020- (Foore)- Qaar kamid Wasiiradda iyo agaasimayaasha iyo weliba masuuliyiin kale ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyey inay hab-qabyaaladeed ula kale safanayaan ama ay u soo kale dhaweysanayan Ciyaartoyga xulalka Gobolada dalka, waxaana la sheegay inay masuuliyiinta Dowlada uu mid waliba si gaar ah ula saftay Gobolka uu ka soo jeedo oo uu weliba si gaar ah wax u siinayo,taas oo muujinaysa in aanay dhex u ahayn Gobolada dalka iyo bulshada reer Somaliland ee ay xilalka u hayaan.

Xildhibaan Maxamed Faarax qabile oo kamid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in arrintaas aan looga baahnayn masuuliyiinta Dowlada, balse looga baahnaa inay dhex u noqdaan Ciyaartoyga Gobolada dalka,waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu arrintaas wax ka qabto.

Xildhibaan Qabile oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-‘’Waxaan aad ula yaabay Masuuliyiin Qaranka ka tirsan oo uu kamid yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Agaasimaha Hay’adda Duulista iyo Hawadda iyo Masuuliyiin kale oo fara baddan oo ay jiidanayso goboleysi, inay il siman ku eegaan ayey ahayd ee may ahayn inay wax-yaabaha noocaas ah galaan,aad iyo aad ayaan uga waaninayaa,Lakiin inay bogaadiyaan gobolka ku guuleysta koobka ayey ahayd uun.” Ayuu yidhi

Waxanu intaas ku daray “Masuuliyiintaana waxaan uga digayaa inay hab-raaca Dowlad-nimo wax ka duwan ayey taasi dhalinaysaa,markaa Garaadkiina kor u qaada waa figrad xumo in qaabkaa loo fikiro .” ayuu yidhi..

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu arrintaas wax ka qabto“Madaxweynaha waxaan leeyahay adiga ayaa u macalin ah Qaranka in aad ka talaasho cuduradaa keenaya qaybsanaanta ummadda ka talaal Agaasimayaasha iyo Wasiiradda iyo wixii lamid ah in laga korriyaa ayey u baahan tahay.”Ayuu yidhi

Dhanka kalena Marwo Faadumo Aadan Cawad oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ayaa iyana arrintaas ka hadashay,waxaanay sheegtay in Mayarada iyo badhasaabada Gobolada ay sax tahay inay Gobolada ay madax-da ka yihiin ay Tageeraan, balse Wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee Xukuumadda aanay haboonayn inay tageeraan Goboladooda iyo ciyaartoyga inay kale dhaweystaan ama ay kale xigtaystaan

Faadumo Aadan oo arrintaas ka hadlaysa ayaa sheegtay sidan:-“Qabyaalada inay suurino oo aasno ayey ahayd haddii ay Madaxweyne tahay iyo haddii ay madax-da kale ee Qaranka tahay-ba ,Ciyaarahani waa Ciyaarihii Gobolada dhalinyarada Ciyaarsay aduun lama siiyo,waxa weeye waa in sidii loo Ciyaari jiray loo Ciyaaraa Mayarada iyo Badhasaabada waa shaqadooda,lakiin waxa weeyaan masuuliyiinta kale ee Dowlada haddii ay Wasiiro tahay iyo haddii ay Agaasimayaal yihiin iyo haddii ay masuuliyiin kale yihiin-ba Waa in arrintaas ay ka dhex –baxaan oo aanay ku mil-min ee ay dhex u noqdaan xulalka Gobolada.” Ayey tidhi iyada oo intaas ku sii dartay: “Madaxweynaha waxaan leeyahay Wasiiraddaadi iyo Qaranka Somaliland-ba adiga ayaa u taliya arrintaas fool xumo ayey keenaysaa haddii sidan iminka aan arkayno lagu sii wado oo la kale jiito Gobol hebel ayaan ahay iyo Gobol hebel ayaan ahay adiga oo xil Dowlad u haya ha muujinin oo inta aad dhex fadhiisato Gobalkayga ayaan wataa ha odhanine ee ka jooga.”Ayey tidhi

Geesta kalena Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa isna arrintaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta falalkaas ku kacay ugu baaqay inay joojiyaan arrintaas “Waxaa quman in Goleyaasha Wasiiradda iyo masuulliyiinta xukuumadda ay joojiyan casuummadaha mid kasta ciyaartoyga gobolkiisa casuummadda ugu fidinayo, waayo waxay sii dhiirigelinaysaa qabyaaladda oo aafo qaran inagu noqotay. Masuul kasta waxaan kula talin laha inta ciyaruhu socdan inay hawsha jojiyan oo wixii adduun ay hayan wasaaradda Ciyaaraha ku wareejiyan, ka dibna wasaaraddu hal mar casuumad isugu keento gobollada, masuulkastana marka ka qaybgalo madashaas Guud ee loo dhanyahay.”Ayuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bogga Facbuuga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here