Hargeysa, November 5, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Digreeto Madaxweyne ku dhaqan galiyay wakhtiga rasmiga ah ee ay dalka ka qabsoomayso diiwaan galinta Codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland ee doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo in ay sannadka dambe ka qabsoomaan guud ahaan Somaliland.
Digreetada Madaxweynaha ee shalay ka soo baxday qasriga Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignayd sidan:
“Xeer Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.
Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20;
Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;
Waxaan Go’aamiyey;
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.