Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Ugu Jawaabay Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Shirkii Uu Ka Qayb-galay Ee Beesha Direed Oo Uu Aad U Difaacay

0
562

Hargeysa, November 5, 2020- (Foore)-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Xisbiga UCID Faysal ayaa ka jawabaay haddal ka soo yeedhay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu Faysal sheegay inuu yahay nin siyaasi ah oo xor ah, isla markaana aanu cid-na ka talogelinay talaabooyinka Siyaasadeed ee uu qaadayo,waxaanu sheegay in aan looga baqaynayn Qaranimada Somaliland, isagoo xusay in shaqadii Wasiir Kaahin uu qaban waayey uu qabtay isagu.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horeyn ka warrama shirkii uu dhawaan ka qayn-galay,isagoo u durayna wasiir Kaahin waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:”Shir ayaanu ka qayb-galay waa beelo shir beleed ayaan ka qayb-galay Dirka la yidhaah si aanu waxaa iskaga moosno 75 cod ayey leeyihiine  aanu nidhaah qofkii khayr qaba u codeeya, shaqadii Dowlad ayaanu qabanay oo 2 wiig ayaan ku maqnaa oo aan iskaga dab-qaadayey Nayroobi iyo imaraadka maanta waxa la ii sheegey kii aan shaqadiisa hayey Wasiirkii daakhiliga kii ayaa I naqdiyey,Faysal Cali Waraabe ayaa shir Dir ka qayb-galay Somaliland ku burburi maysee Somaliland hoggaan xumo ayey ku burburaysaa hoggaan xumo ayey ku burburaysaa ee hebel ayaa shir tegay Somaliland lagu soo difaacayo ku burburi mayso,waxay ku burburaysaa waar yaa maanta dalka xukuma sidii gorayaddii haddii aad madaxa ciida gashataan socon mayso walaalayaal.”Ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal Cali “Inta lagu soo tashano miyaad yururaysaa waa in aad ka horaysaa weerarka waan weeraraynaa gacan ayaanu ku yeelanaynaa qof iyagana u wanaagsan inagana aan cadow inagu ahayn oo si fiican aynu u kala baxno ayaanu ka shaqaynaynaa inuu soo baxo sidaad igu ogaada, USE wey inoo hiilisay maanta waan u hiilinaynaa iyaga maanta waa la haystaa waan u hiilinaynaa abaalkii ayaanu u celinaynaa.” Ayuu yidhi Faysal

Dhanka kalena Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in wasiir Kaahin shaqadiisu ay tahay  keliya amaanka dalka “Kaahin waxaan leeyahay amaanka weeyaan shaqadaaduye taas ku eekow annigu waxaan ahay nin siyaasi ah oo xisbi u Madax ah siyaasadayda xor ayaan u ahay, waanu ka ilaalinay in dalka in aanu yooyootan samayno,marka aanu arragnay siday arrimuhu u socdaan,waxaanu mihiimada saarnay in aanu doorashona qaban karrno, shisheeyahana iska celino, khilaafkii gudaheenana aanu joojino , ilaa waxa aanu gaadhnay heer la leeyahay labadii guddoomiye waa la iibsaday oo waxay la saxiibeen Muuse ,markii aanu ka daynay ee aanu la shaqayna ee aanu tiisii ogolaanay,haddana aanu cadowgii ka qabanay inuu annaga na aflagadeeyo xaq uma laha.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here