Waa Kuma Ninka Wax Ka Qoray Barnaamij Siyaasadeedka KULMIYE Ee Farmaajo Ka Dhigay Wasiirka

0
563

Muqdisho, October 22, 2020- (Foore)- Golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqday xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof. Maxamed Cismaan Dubbe, oo ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa ee diyaariyey barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtinimada ee uu ku guuleystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sannadkii 2017, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa shalay si weyn u falan qaynayay warbixinnona ka qoray xaaladdan iyada oo la soo qaatay sidii uu xisbiga KULMIYE dhiggiisa Xisbiga WADDANI ugu eedayn jiray in uu u dhuun daloola dhinaca maamulka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cismaan Dubbe oo ka mid ahaa saraakiisha xisbiga KULMIYE kana soo jeeda beesha Bariga Burco ayaa noqday Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta dalkaasi Soomaaliya halka xubno kale oo xilal ka soo qabtay xukuumadda KULMIYE wakhtigii Siilaanyo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho oo ay yihiin xubno xil sugayaal ah.

Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda dawladda Soomaaliya ka mid noqday ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa meesha ka saartay xubnihii dowladdihii kala duwanaa xilal wasiiro kasoo qaban jiray sida wasiir Maareeye oo seddaxdii dowladood ahaa mas’uul aan dhicin. Maxamed Cismaan Dubbe oo ah ninkan wasiirka cusub ee warfaafinta noqday ayaa mar sii horraysay waxa uu Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi cusub isaga oo sheegay in uu u tartami doono madaxnimada dalkaasi Soomaaliya balse ugu dambayn waxa uu si weyn u soo dhaweeyey xilka wasiirnimo ee hadda la siiyay wakhti xukuumadda Farmaajo gabogabo ku dhaw yahay muddo xileedkeedu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here