Sababta Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan Looga Dacweeyey Maxkamad Ku Taalla Maraykanka

0
974

Washington, October 22, 2020- (Foore)- Khadiija Cengiz, gabadhii u doonanayd Jamaal Khaashuqji, weriyihii Sucuudiga u dhashay ee la dilay, waxa ay Mareykanka ka furtay dacwad ka dhan ah amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan. Haweeneydan oo u dhalatay waddanka Turkiga waxa ay tuhunsan tahay in amiir Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, kaas oo lagu khaarajiyay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul sannadkii 2018.

Dhaxalsugaha Sucuudiga ayaa iska diiday inuu bixiyay amarka lagu dilay weriyaha, kaas oo ku noolaa waddanka Mareykanka, laguna yaqaannay inuu naqdiyo qeyb ka mid ah siyaasadaha Sacuudiga.

Khadiija iyo urur u dooda xuquuqda aadanaha oo uu Khaashuqji sameeyay ka hor inta uusan dhiman, waxa ay daba socdaan dilkiisa, waxaana wehliyo in ka badan 20 qof oo kale oo dhanka sharciga ku wanaagsan. Dacwaddan madaniga ah ayaa laga furay magaalada Washington ee Mareykanka, waxayna Khadiija Cengiz, ku andacoonaysaa in ay wajahday khasaare maaliyadeed iyo xanuun shakhsiyadeed ka dib geerida Khaashuqji. Sida ay sheegayaan kooxda xuquuqul insaanka u doodda ee uu dhisay Khaashuqji ee lagu magacaabo “Dimuqraadiyaddu waa in ay hadda ka hirgashaa Caalamka Carabta”, waxaa gebi ahaanba gabaabsi noqday howshoodii.

Dacwadda waxaa lagu sheegay in Khaashuqji lagu dilay “amar uu bixiyay Maxamed bin Salmaan”. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in “ujeedka dilka uu iska caddaa, uuna ahaa in laga hor istaago in isagoo ku sugan gudaha Mareykanka uu dhiirigeliyo in laga horgeliyo dimuqraadiyadda caalamka Carabta.”

Qareennada Khadiija Cengiz iyo kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa shir jaraa’id oo ay dhanka internet-ka “muuqaal ahaan ugu qabteen” waxay ku sheegeen in ujeedka dacwadda ay tahay in maxkamadda Mareykanka ay horseeddo in amiirka dhaxalsugaha ah uu qaato mas’uuliyadda dilka sidoo kalana la helo dikumintiyada xaqiiqada bannaanka soo dhigaya, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post. Bayaan ay soo saartay ayey Khadiija ku sheegtay: “Jamaal wuxuu aaminsanaa in gudaha Mareykanka waxkasta ay ka suurageli karaan, anigana waxaan kalsoonidayda siinayaa nidaamka cadaaladda madaniga ah ee Mareykanka, si loo xaqiijiyo in la gaaro wax uun cadaalad ah iyo in arrinta wax la iska waydiiyo.” Muddo tobannaan sanadood ah ayuu weriyaha dhintay ahaa mid u dhaw qoyska boqortooyada Sacuudiga, sidoo kalena waxa uu lataliyo u ahaa xukuumadda dalkaas.

Balse mowqifkiisa ayaa isbadelay, sidaas daraadeed Khaashuqji waxa uu go’aansaday inuu dibad joog iska noqdo oo wuxuu 2017-kii u wareegay waddanka Mareykanka. Waxa uuna warbixin bil-le ah ku qori jiray wargeyska Washington Post. Wuxuu warbixinnadaas mararka qaar ku dhaleecayn jiray siyaasadaha amiirka dhaxalsugaha ah, Maxamed bin Salmaan. Maqaalkiisii ugu horreeyay ee uu ku daabacay wargeyska bishii Sibteembar, 2017-kii, ayuu Khaashuqji ku sheegay inuu ka cabsi qabo in lagu qabto olole u muuqday in lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka, arrintaas oo uu hormuud ka yahay amiirka. Siduu u dhintay Jamaal Khaashuqji?

Markii ugu dambaysay ee Khaashuqji la arkay isagoo nool, waxay ahayd mar uu sii galayay qunsuliyadda Sacuudiga, 2-dii bishii Oktoobar 2018-kii, si uu u soo qaado warqadaha looga baahan yahay ee guurka gabadhii u doonanayd ee Khadiija Cengiz. Kaddib markii la dhagaystay cod laga duubay dad la rumaysan yahay inay ku jireen gudaha qunsuliyadda, codkaas oo ay soo gudbiyeen sirdoonka Turkiga, waxaa dhageystay Agnès Callamard oo ay Qaramada Midoobay si gaar ah ugu xilsaartay arrintaas, waxa ay go’aamisay in Khaashuqji “si waxshi ah loo dilay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here