Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Ugu Caansanaa Fanka Wakhtigan Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dar Alle Uga Baxay Fanka Iyo Xirfadda Uu Ku Baddalan Doono

0
868

Hargeysa, October 22, 2020- (Foore)- Fannaankii Maxamed Siciid Cabdi (BK) oo ka mid ahaa haldoorka ugu magaca weyn Fannaaniinta Soomaaliyeed ee wakhtigan gaar ahaan Fannaaniinta reer Somaliland, dhallinyaraduna aad u jeclaayeen codkiisa toolmoon ee uu ku qaado heesaha ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in uu si rasmi ah Fankii uga baxay oo uu hadda wixii ka dambeeya u dhaqaaqi doono Arrimo kale oo ay ka mid yihiin in uu ganacsi iyo Arrimo kale ku foofa isaga oo sida uu hadalka u dhigay sheegay in uu Alle Dartii fanka uga baxay.

Maxamed Siciid Cabdi (BK) oo ku soo caan baxay kooxda Xiddigaha Geeska oo ah koox Faneed geyiga Soomaaliyeed qabsatay sannadihii ugu dambeeyey lagana aasaasay Hoyga Fanka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay in uu sidaa kaga hadhay xirfaddii fanka iyo fannaanimadii uu ku soo caano maalay sanandaha waxaanu sheegay in ay sabab u tahay in uu fanka isaga baxo muddo dheer oo uu arrinkan ka baaraan dagayay iyo Hooyadii uu sheegay in ay ugu ducaysay wax ka khayr badan Fanka in uu ugu baddalo.

Fannaanka oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “In aan fanka ka baxaa Wax la igu cadaadiyay ma aha. Ma aha wax cadaadis ah oo igaga yimid dhinaca qoyskayaga. Waa wax ku yimid kana soo go’ay aniga oo dar Ilaahay uga hadhay Fankii in aan iska daayo aniga oo ku faraxsan. Qisada ah in aan fanka iska daayaa waxa ay igu dhalatay mar hore illaa sannadkii 2015. Illaa muddodaasi waxaan doonayay in aan fanka joojiyo. Mar walba waxaan lahaa saarku hakaa soo dago si aanad mar kale dib ugu laaban. Waa wax dar Ilaahay iiga soo go’ay in aan fankii ka baxaa”.

Fannaan Maxamed Siciid Cabdi  oo BK loo yaqaano oo ka hadlayay bal in wax adduunyo ah oo dhaqaale ah fanka laga dhaxlo ayaa waxa uu yidhi: “Fanka waxa laga dhaxlaa magac oo lagu yeeshaa balse wax adduunyo ama lacag ah lagama helo. Lacagtiisuna waa ta Budhcad Badeedda oo kale. Iyada ayaa ku odhanaysa isoo saar oo I bixi. Meel wax laga dhigtaa ma jirto”.

“Markii ugu horraysay way ogayd xaaskaygu waanan u sheegay in aan fanka ka baxayo. Mar xiga waxa aad u jeclayd in aan fanka ka baxo hooyaday. Canab Saleebaan Diiriye hooyaday Ilaahay ha daayo. Waxa kale oo jeclaa in aan fanka ka baxo walaalahay oo dhan. Mar aad la ii werarayay ayay hooyaday tidhi hooyo Ilaahay wax ka khayr badan haku baddalo anna waxaan idhi aamiin”.

Fannaankan da’da yar ee Fanka isaga baxay Maxamed Siciid Cabdi oo wax laga waydiiyay waxa u qorshaysan ee uu doonayo in uu ku baddalo xirfaddiisii fannaanimo iyo fankii ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Fanka Dar Ilaahay baan uga baxay. Marka aad hor Ilaahay isu taagto Ilaahayna wuu ku siinayaa oo meel roon baad maraysaa. In aan wax fiican ka shaqeeyo tusaale ahaan in aan dhallinyarada wacyi-gelin u sameeyo oo aan dad badan isla kaashano ayaan ku rajo weynahay iyo Ganacsi iyo arrimahaasi in aan galo ayaan doonayaa. Waddo kale ayaa bannaan. Dhammaanba dadkii fanka igu taageeri jiray meel kasta oo ay joogaan umadda Soomaaliyeed sharaf ku noolaada ayaan leeyahay. Waxaan leeyahay I soo raaca oo ha iga hadhina. Xaggan khayrka lehna ii soo raaca ayaan leeyahay. Fannaaniintu waa dad qalbi fiican. Waa dad ilaahay hibo siiyay oo Hal abuur leh laakiin waxaan ugu baaqayaa in ay xagga Khayrka ii soo raacaan. Hibadiina khayr ku baddala ayaan idin odhan lahaa. Taageerayaashaydii waxaan leeyahay waddadan ayaa ah runtiiye tan ii soo raaca” ayuu yidhi Maxamed BK.

Dhawaan ayay ahayd sidan oo kale markii Fannaankii kale ee isla xiddigaha Geeska ka tirsanaan jiray Cabdihani Xaashi uu isna si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu fanka macasalaameeyey isaga oo sheegay in uu soo afmeeray fanka wixii hadda ka dambeeyana uu noloshiisa kale sii wadan doono.

Ma aha dhacdo ugub ah in Fannaaniin Soomaaliyeed fanka isaga baxaan balse waxa arrin cusub noqonaysa oo dadku hadal hayaan in Fannaaniin ku jira wakhtigii dhallinyaranimo ee fankoodu ugu sarreeyey ay sidaa kaga baxaan fanka waxaana hore fanka uga baxay fannaaniin badan oo markii dambe culimo noqday sida Cabdilaahi Diiriye Sooraan (IHU) oo Waaberi ka tirsanaan jiray, Cabdilaahi Sulfa oo isna ka tirsanaan jiray kooxdii Iftin ee wasaaradda waxbarashada iyo fannaaniin kale oo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here