Majaajilaystaha Reer Masar Ee Cadhada Ka Dhaliyay Dalkiisa Iyo Sida Uu Ugu Jeesjeesay Qur’aanka

0
938

Qaahira, October 22, 2020 – (Foore)- Dadka isticmaala baraha ay bulshada ku wada xidhiidhaan ee Masar waxa ay weerrar culus ku qaadeen majaajilayste u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Ashraf, kaddib markii uu baahay muuqaal lagu eedaynayo inuu liidayo oo uu wax u dhimayo Idaacadda Quraanka Kariimka.

Dadka isticmaala barta Twitter-ka waxa ay sameeyeen hal ku dhig ay ugu magac dareen ‘#Taageer_Idaacadda_Qur’aanka_Kariimka’ kaas oo Masar ka noqday midka ugu badan ee ay dadku hadalhayaan oo misana soo jiitay in ka badan 13 kun oo farriimood. Dadka bartaas isticmaala waxa ay isku khilaafeen aragtida ay halkaas ku soo bandhigayeen. Waxaa jira qaar hadalka majaajilaystaha u arkay mid wax u dhimaya Idaacadda Quraanka Kariimka, halka ay jiraan kuwo kale oo u arkay inuu ahaa hadal lagu qoslo oo aan idaacadda wax u dhimayn.

Nin lagu magacaabo Cabdulqaadir ayaa Twitter-ka ku qoray: “Ninkan loogu yeero Maxamed Ashraf… ee badalan ee ku jeesjeesaya Idaacadda Qur’aanka Kariimka, waa adiga qofka internet-ka dhibkan ka bilaabay, arrintan ma waxaad u samaynaysaa sidii aad caan ku noqon laheyd oo aad diintana ugu jeesjeesaysaa? Oo maxaad ismoodday markaad ku jeesjeesaysid culimada diinta.”

Dhanka kale dad badan ayaa difaacay majaajilayste Maxamed Ashraf, iyagoo u arka inuu wax ka sheegay uun soo saarayaasha baraamijta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee uusan liidin idaacadda. Yuusuf Casaam ayaa soo qoray: “Maxamed qalad kama uusan gelin diinta iyo Islaamkaba, qof uu caayana ma ay jirto, ee wuxuu wax ka sheegay qaabka iyo habka loo tabiyo Idaacadda Qur’aanka Kariimka, waxa uu yidhi ‘markii uu yaraa waxa uu ka cabsan jiray sababta uu weriyuhu u samaynayo sidaas iyo sidaas iyo sidaas’.”

Sidoo kale Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Masar ayaa arrintaas ka falcelisay oo waxa ay barta ay Twitter-ka ku leedahay soo dhigtay: “Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Qaahira, waxa ay u mahadcelinaysaa dhammaan dadka ka falceliyay #Taageer_Idaacadda_Qur’aanka_Kariimka. waxaan leenahay ‘Allaha idinka abaalmariyo, idinkuna anfaco, idinkuna ciseeyo Islaamka, kuna liibaana Mustafaha N.N.K.H. Allaha ha idin kulansiiiyo nebiga iyo malaa’igtiisa cajiibka ah, ku salliya sayidkeenna Muxamed N.N.K.H iyo dhammaan ehelkiisa iyo saaxiibadiisba.”

Hay’adda Qaran ee Warbaahinta ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku caddaysay in ay toos ula hadli doonto cidda ay arrintan khusayso, ayna kala xaajoon doonto sidii loola xisaabtami lahaa shakhsigaas iyo dambiga wayn ee uu ka galay Idaacadda Qur’aanka Kariimka, taas oo leh qadarin, waynayn, ixtiraam iyo darajo oo ay ku leedahay quluubta dhagaystayaasheeda ee shacabka Masaarida iyo Carabtaba.

Hay’addaas waxay carabka ku adkaysay inaan la dhayalsan doonin arrintaas “illaa la marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay shakhsigaas, kaas oo ku jeesjeesay idaacad aan dhammaantayo ku faanno, maadaama ay baahiso baraamij diini ah oo hufan, kuna salaysan mabaadii’da diinteenna xaniifka ah.”

Hay’adda Qaran ee Warbaahinta waxa ay si kulu uga digtay in “Cidkasta oo qaadda dhabbahaas xun aanan ficilkooda la aqbali doonin, waxa ugu yar ee lagu tilmaami karana ay tahay akhlaaq xumo,” waxa ayna qaadi doontaa “tallaabakasta oo sharciga waafaqsan oo arrintaas wax loogaga qabanayo.”

Jawaabta Maxamed Ashraf

Kaddib ololahaas ka dhanka ahaa ayuu Maxamed Ashraf xaqiijiyay inuusan “ula dan lahayn inuu xumeeyo dadka qur’aanka ka akhriya Idaacadda Qur’aanka Kariimka, ee uu naqdinayay oo kaliya soo saarayaasha barnaamijta.”

Waxa uu intaasi ku daray, in mar uu wareysi arrintaasi ku saabsan uu bixinayay, inuusan “hadda ogayn sababta muuqaalkaas uu u baahay”.

Wuxuu cadeeyay in “dadka waxay muuqaal kooban oo laba daqiiqo ah ay ka qaateen hadal dheer oo xaflad aan samaynay bishii Janaayo ee 2019-kii, taas oo aan si guud uga hadlaynay naqdinta codka, marka waxa ay qaateen oo kaliya qeybta Idaacadda Qur’aanka Kariimka, marka aniga wax khalad ah kama sheegin diinta ama dadka idaacadda wax ka baahiya.”

Maxamed waxa uu carrabka ku adkeeyay inuu “Ixtiraam iyo qadarin wayn u hayo Idaacadda Qur’aanka Kariimka, codkoodana uu ku soo barbaaray”.

Mar uu ka hadlayay mucaaradada kulul ee uu wajahay ayuu sheegay: “inay gaartay heer loo hanjabo isaga iyo xaaskiisa, taas oo ku qasabtay inuu xiro dhammaan cinwaanadii uu ku lahaa baraha ay bulshadu.” ayuu yidhi ninkani isaga oo warbaahinta la hadlayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here