Loollan Addag Oo Magaalada Burco Ku Dhexmaraya Wasiirada Bariga Iyo Galbeedka Burco Iyo Kale Riixashada Madaxweynaha Oo Xudunta Dagaalkooda Noqotay

0
922

Burco, October 22, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku joogay maal-mihii u dambeeyey Magaalo Madax-da Gobolka Tog-dheer ee Burco,haseyeeshee socdaalkaas Madaxweynaha waxa hadheeyey arrimo kale duwan oo ugub ku ah socdaalkiisan,iyadoo arrinta ugu weyni ay tahay xafiiltanka iyo xintanka u dhaxeeya Wasiiradda Beelaha bariga iyo Galbeedka Burco,kuwaas oo uu loollan adagi ku dhexmaray Magaalada Burco iyadoo ay kooxiba kooxda kale ay doonayso inay Madaxweyanaha uga dhawaato,arrintaas oo noqotay mid si weyn loo haddal hayo.

Wasiiradda ka soo kele jeeda deegaanada Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa waxa kale Hoggaaminaya Wasiir Siciid Sulub Iyo Wasiirka Macdanta Jaamac iyo Guddoomiye Xinif,waxaana la sheegay inay shirar hoose oo ay si gaar gaar ah ula yeesheen labada beelood ay arrimo aan haboonayn ku tirabeen, iyadoo la sheegay in kooxda Wasiir Sulub ay u sheegeen Beeshooda inay Madaxweynaha ay soo dhaweeyaan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan jaaniska madaama oo uu usoo jan-jeedho dhankooda, halka ay kooxda Wasiir Jaamac iyo Xinif ay beeshooda u sheegeen in aanay Madaxweynaha ay doorteen aanay kale wareegin Beesha Galbeedka Burco ee ay la yimadaan waxay ku kasban lahayeen qalbigiisa.

Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, ayaa eedo kulul u jeediyey Wasiiradaas waxaanu ku tilmaamay kuwo Bulshada Somaliland kala qooqobaya, isla markaana qabyaalad iyo cudur kala dhex-dhigaya shacabka Walaalaha ah ee reer Burco,

Waxaanu isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu sheegay in Wasiir Sulub iyo Kooxdiisu ay ku ololeynayeen sidan:- “Siciid Sulub iyo kooxdiisu waxay ku ololleynayeen oo ay kula hadlayeen kula xidhiidhayeen dadka degaanka Burco qaar kamid ah waxay ku ololeynayeen  Madaxweynaha Soo dhaweeya maanta innaga ayey inoo jan-jeedhaaye Dowlada aynu ka faa’iidaysano, iyagoo u tusinaya qolo hore oo ay u jan-jeedhay inay ka soo jan-jeedhsamayso .”ayuu yidhi

Dhanka kalena Jiif Caaqil Rashiid ayaa sheegay inay iyana Kooxda Wasiiradda Bariga Burco ka soo jeeda ay ku ololeynayeen sidan:- “Dhinaca kalene koox Maayarka Burco iyo Xinif ay hoggaaminayaan waxay ku ololleynayeen Madaxweynihii aynu dooranay qolada Galbeed inaga xigtaa yaanay inagala wareegin ee aynu soo dhaweyno.”Ayuu yidhi

Waxaanu intaas ku sii daray “Waxa halkaa ka muuqda noocii olollaha doorashada ee dadka lagu kale qaybinayey ee cunfiga lagu abuurayey ayaad moodaysay in safarka Madaxweynaha oo shaqadiisii iyo kormeerkiis caadiga ay ahayd, in dadka lagu abaabulayey maragna uma baahna waa wax caddaan ah oo ay ku ololeynayeen .”Ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here