“Madaxweynihii Waxaa Wakhtigii Kaga Dhammaaday Muran iyo Garnaqsi”…Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan
Hargeysa, October 19, 2020- (Foore)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa eedo culus iyo dhaliilo is barkan waxa uu u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku dhaliilay nidaamkiisa Hogaamineed iyo sida uu dalka u hagayo isaga oo Hogaamiye Xirsi Madaxweynaha ku eedeeyey in uu umaddii kala qaybiyay, wax xalal ah oo noloshooda wax tarana aanu keenin.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: