“Waan Arkaa In Aad Tashatay Oo Aad Tunka Taagayso. Taladaada Xumi Marka Ay Kuu Urto Cidna Ha Eersan Ee Adkayso”- “Waxa Laga Cabsi Qabaa Inaad Qaranka Ka Badbaadin Karto Goblan Iyo Geeri Siyaasadeed”
“Guul-wadaynta, Garab Yaaca Iyo Gacan Qaadka Badani Halbeeg Uma Aha In Aad Tahay Hogaamiye Guulaystay” “Cashuurtii Baad Kordhisay Noloshii Dadka Wax Aan Busaarad Iyo Baahi Ahayni Ma Hayaan, Xaggee Lacagtii….”
Hargeysa, October 15, 2020- (Foore)- Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa eedihii ugu cuslaa usoo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku eedeeyey arrimo badan oo la xidhiidha Musuqmaasuq, ballanqaadyadii xilliga ololaha ee KULMIYE oo aan waxba laga qaban, ballan-ka bax la xidhiidha siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo arrimo kale oo badan. Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu mid mid qalinka ugu qaatay dhaliilaha tirada beelay ee dul hoganaya hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo sannadkii saddexaad u dhammaaday muddo xileedkiisa isaga oo ku eedeeyey in uu u shaqaynta qaranka ka door biday xoolaynta qoyskiisa, halka uu si qoto dheer ugu dul joogsaday sida aanay u hir galin ballan qaadyadii uu doorashada ku galay oo noqday kuwo hal bacaad lagu lisay ah.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Qof xaasid ah oo ka xumaada libka haldoorka kale ma ihi, haddii aan bogaadin lahaa shirka KULMIYE waxa shaasheeyey is caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu ahaa mid sharci darro ah. Sidaa darteed ma taageerayo sharci darro laf-jab ah oo ii muuqata. Waa dhacdo ugub ku ah xisbiga KULMIYE. Haddii Muuse Biixi doorashadiisa guddoomiyaha KULMIYE u arko guul u soo hoyatay waan ka aragti duwanahay. Waxa aan u arkaa guuldarro xisbiga KULMIYE geeddi u yahay maanta. Waa cudur iyo cawaaqib xumo maanta KULMIYE la kowsatay. Inuu mar labaad KULMIYE isu soo sharraxo xaq uma laha balse waxa uu xaq u leeyahay in uu isu soo sharraxo Madaxweynenimada dambe. Jagada guddoomiye ee uu jujuubka ku qaatay waxa ay ka dhigan tahay murtidii Soomaalidu odhan jirtay hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho. Hugunka iyo Hummaagyada madaxweyne hareerahaaga ka baxayaa dhab ma aha ee waa dhalanteed.
Guulwadaynta, garab yaaca iyo gacan qaadka badani halbeeg uma aha in aad tahay hogaamiye guulaystay. Halkudhegyada iyo heesaha laguu qaadayaa yay ku marin habaabin. Waa nasiib darro in uu maanta Muuse Biixi noqdo halka khilaafka KULMIYE ka bilaabmo kuna dhammaado halkii ay ahayd in uu mus dambeed iyo oday u noqon lahaa. Halkani waa hilinka ayku khatalmaan kalidood taliyayaasha iyo hogaamiyayaasha aan garaadka koran lahayn ee uu saaqo jibbada iyo jahawareerka kursigu. Saaxiibkay waxaan leeyahay waan arkaa in aad tashatay waanan arkaa in aad tunka taagayso. Talo xunbaad gaadhay, in aanad cidna u tudhin, waxna ka tagin, inaanad cidna talo waydiin, taladaada xumo marka ay kuu urto cidna ha eersan ee adkayso. Muuse waxa uu halkaa ku soo gaadhay hayinimadii iyo hogaamintii Madaxweyne Siilaanyo. Waxaan xasuustaa tiraba laba jeer oo Madaxweyne Muuse Biixi miiska la soo saaray in xisbiga laga saaro oo haldoor kale soo dhigeen. Axmed Siilaanyo oo ahaa nin ballaadhan oo dadka isku wada xisbiga oo ahaa mid ay ku jiraan kooxo kala duwani, Axmed Siilaanyo oo ahaa nin jeebab badan leh oo midba jeeb ku sita ayaa ku hagoogtay. Haddii Muuse Biixi dulqaadkii lagu soo doojay duqonniimo u yaqaano waxaan macallinkaygii ka bartay in sabirka iyo dulqaadku yahay sahayda siyaasiga suubban”.
“Dadka reer KULMIYE Madaxweyne Muuse waxa uu gar ugu lahaa in ay kursiga saaraan haseyeeshee gar uguma laha in ay kursiga ku hayaan hogaamintana ku guuleeyaan. Reer KULMIYE xilkoodii way guteen cidda maanta xilkiisii gudan wayday waa madaxweynihii. Waxa laga cabsi qabaa in uu siyaasaddiisa kaga badbaadin karo qaranka goblan iyo geeri siyaasadeed. Madaxweyne maanta waxaad tahay 70 jir waxa aad ku jirtaa Alle galladdii inta farakutiriska ah ee ka gudubtay dhawr iyo Toddobaatan. Maanta waxa aad tahay cadceed casar joogta cimri iyo caqli kuu dhimani ma jiro mansab kuu hadhayna ma jiro oo aad higsanaysaa oo Madaxweynihii qaranka ayaad tahay waxa aad maanta garan waydo garan maayo goorta aad garan doonto ama gaadhi doonto. Muusow, yay kaa noqon muddo xileedka koowaad iska caddacaddayso cid walbana iska celi ka dambe ayaad caadi noqon doontaa. Waa ayaan darro iyo aakhiro xumo in maanta adiga oo aakhirul cimri ah lagugu tuhmo adduun urursi iyo dhul boob. Haka fekerin in aad qoyskaaga qani ka dhinto ee ka feker in aad qarankaaga qani ka dhigto. Muusow, maxaynu maanta ku odhan kuwii codkooda inna amaahiyay ee qarqarrada inna haysta maxaynu isku furan karnaa. Saddexdii sano ee aad xilka haysay maxaan umadda u sheegnaa. Maxaa ka fulay Barnaamijkii xisbiga KULMIYE.
Waa la xisaabtamayaa oo waxa dabar innoo ah buuggii aynu innagu qornay ee bulshada u ban dhignay oo la inna daba wadaa. Innaga shaqayn mayso madmadaw iyo middi middi ku taag. Waxa la innaga doonayaa xaqiiqooyin iyo wax la taaban karo. Dadku ma aha caammo indhaha loo casayn karo waa xogogaal isla markaana xisaabtamaya. Cashuuro ayaa la kordhiyay muddo xileedkaaga ay ka mid yihiin gaadiidka, sharaabbada, qalabka dhismaha, waxa la kordhiyay cashuuraha dadka soo galaya doollarka oo shan kun ahaa ayaa mar qudha laba kun la kordhiyay 2018 kii oo ka dhigan 40% in la kordhiyay. Aan is barbar dhig ku samayno labadii miisaaniyadood ee tan iyo tii ka horraysay waxa kordhay in ka badan 70 Milyan oo dollar. Waxa la is waydiin karaa maxaa la qabtay oo innoo soo kordhay. Mushaharkii shaqaalaha waxba lama kordhin. KULMIYE Muddo xileedkiisii ugu horraysay ee uu talada dalka qabtay Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada dalka waxa uu kordhiyay 100%. Mar kale waxa uu kordhiyay 40%. Miisaaniyadda xisbiyada ayuu laban laabay. Golayaasha Baarlamanka qaranka afar jeer in ka badan baa loo kordhiyay oo nin waliba 2011 kii uu u xaadiray 2000 oo dollar. Waxa la kordhiyay shaqaalaha meelaha halbawlaha ah jooga gunnooyinkoodii. Shaqaalihii aan anuu maamulayay markaan duulista joogay gunnadoodii iyo mushaharkoodii aanu ku bilawbay ayay maanta oo 9 sano laga joogo qaataan. Iyada oo aanay saddexdaa sano wax abaar ahi inna helin ayay oo aynu ku jirnay barwaaqo ayay haddana busaaraddii iyo dhaqale xumadii sii korodhay. Waxa hubaal ah in ganacsiyadii yaryaraa kaceen in badani. Waxa beenoobay ballan qaadkii xisbiga KULMIYE. Dakhligaa xukuumadda u kordhay iyo cashuurahaa ay kordhisay umaddu way is waydiinaysaa halka uu maray. Noloshoodii kama muuqato oo umaddu waxa ay markhaati ka tahay xaaladda adag ee ay ku jiraan. Bangiyada waxba innooma yaallaan oo waa ta la leeyahay doorashadii wax lagu qabto ma hayno. Wax muuqda oo mashaariicdii umadda bud dhigga u ahaana oo aynu fulinay ma jirto. Muuse Biixi waxa uu ballan qaaday in uu fuliyo lix waddo oo xukuumaddii hore ka tagtay dhammays tirkooda. Waa wadada ceeri-gaabo-Burco, waa socotaa tasi oo waxbaa laga wadaa, Wadada balligubadle-Hargeysa, Waddada Burco-Oodweyne, Sallaxlay-Hargeysa, waddada Dawga Cad, Waddada Allay-baday-Arabsiyo, shantaa waddo wax ka dhaqaaqay ma jiro, wax xukuumaddu ka gaysatayna ma jirto. Lix kale oo waddo ayaynu ballan qaadnay iyada oo taasi hore qabyo wada tahay sannadkii afraadna muddo xileedkaaga la galayo. Waddada Boorama-Lawyacaddo, Berbera-raadida Buulka, Burco-Warcimraan, Wadaama-goo-qorilugud-Ballidhiig, Adhicadeeye-Xudun iyo Berbera Wajaale. Garoomadii dalka ee aynu ballan qaadnay in la dhiso mid kali ah waxba lagama qaban. Madaarka Burco in uu saddexdaa sano dhiso ayay ahayd. Mdaarkaasi inta dhisan iyo inta dhiman marka la isku qiyaaso waxa badan inta dhisan”.
“Dhinaca dekedaha aynu u nimaadno. Shantaa sano waxa aynu umadda u ballan qaadnay in aynu dhisi doono lix dekadood. Saylac, Lughaya, Bullaxaar, Xiis, Maydh iyo Laasqoray. Lixdaa Dekadood degadda Maydh oo ku jirtay Mashruuca SDF oo aanu annagu ka tagnay ayaa maanta loo qalab qaadanayaa. Shanti kaleba waa qabyo. Waxa aynu ballan qaadnay in aynu dhisno shan cisbitaal. Waxa aynu ballan qaadnay in aynu cisbitaalka guud ee Hargeysa ka dhigno cisbitaal qaran, maanta waynu ognahay xaaladdiisa iyo in oksajiin la’aan loogu dhimanayo. Dhinaca doorashada waxa aynu ballan qaadnay in aynu sannad walba 2% u dhigno kharashka doorashada. Haddii aynu fulin lahayd waxa ay noqon lahayd in aynu maanta haysanno 16 Milyan oo Dollar. Miisaaniyadihii 2018, 2019 iyo 2020 waxa doorashooyinka loogu daray 14 Milyar iyo badh haddana doorashooyin lama qaban. Waxa haddana soo baxaya in la leeyahay madaxweynuhu waxa uu yidhi lacag ma hayo. Su’aashu waxa weeyi lacagtani miisaaniyadaha ayay ku jirtee xaggee martay. Waxa aad tahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee afar sano doorasho qaban kari waayay. Hebel baa diiday iyo hebel baa sii jeedsaday kaa shaqayn mayso. Waxaan maqlayay ganacsato ayaa qaadhaan laga ururinayaa. Waxaan leeyahay waar ganacsatada qaadhaanka siyaasadda lagama ururiyo ee waxa laga ururiyaa qaadhaanka bani aadamnimada”. Ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.