Khudbaddii Hogaamiye Xirsi Ka Jeediyay Kulankii Daah-Furka Buugga Hagaha Ah Ee Dhallinyarada U Taagan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

0
521

Hargeysa, October 12, 2020- (Foore)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa uu habeen hore ka jeediyay kulan ballaadhan oo dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ku daah-furaysay Buug-Hawleedka Tabaha Ololaha Ee Murashaxiinta Da’da yar oo lagu soo bandhigay Huteel Maansoor.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu la dardaarmay dhallinyarada rag iyo haweenba, waxa uu si adag u dhaliilay xukuumadda waxaanu ku dheeraaday doorka looga baahan yahay qof kasta oo da’yar oo u baahan in uu waddankiisa wax u qabto. Waxaanu yidhi: “Dhallinyarada iyo Haweenka ayaa had iyo goor la xusaa in ay ugu badan yihiin dadka codeeya. Haddana cidda ugu tabashada badan ee tabaysa codkoodii waa iyaga. Ama iyagu isma ay dooran ama qofkii ay doonayeen in uu himiladooda xaqiijiyo may dooran. Gole walba way ku ciil qabaan oo way ka hadlayaan. Ta koowaad Waxaan leeyahay, idinka ayaa eeddeeda leh oo codkiinnii kuma aydaan ciil bixin oo iskumaydaan dooran. Marka labaad, dhallinyaradu intii la doortay ee shaashadda soo gashay, xilligii aan xukuumadda joognay SONYO iyo dhallinyaradii kaleba waxaan kala shaqaynay in xeerka doorashooyinka la dhimo da’da ay dhallinyaradu ku soo galayaan golayaasha qaranka. Laakiinse, dhallinyaradii saaxadda timid, raadkoodii lama hayo. Waxa ay ahayd in ay ka tagaan taariikh iyo waxqabad wanaagsan oo ay kuwa kale higsadaan. Haddii aan haddaba kuwii hore la mahadin waxa iska caddaaanaysa inaan kuwa dambe lasoo dhawaynayn”.

Dhallinyarada rag iyo haweenba waxaan leeyahay fikradda ah in dhallinyarada iyo haweenku ay gacan kale ka doonayaan in ay gaadhsiiso halka ay doonayaan taasi sunnaha dunidaba ma aha. cid waliba iyada ayaa gacanteeda isku xoraysa. cid waliba iyada ayaa gacanteeda ku gaadha guusha iyo waxa ay doonayso. Haddaad qaybsan tihiin oo kuwa maanta qabyaalad loo adeegsanayaa idinka tihiin. Haddii ay maanta dhallinyaradu yihiin kuwa marka ay kursiga yimaaddaan ugu nugul. Haddii ay yihiin kuwo siyaasad ahaan aan gaco adag ku taagnayn. Waad arkayseen dhallinyaro badan oo Somaliland aanay macno badan la lahayn oo marka looga yeedho meel kale u dhabaabaceeya oo ku doorsanaya dhadhamo iyo hunguriga. Waar dhallinyarooy, sida aad tihiin haddii aydaan isugu dhaamin, canaan maalin walba joogta oo la yidhaahdo odayaasha ayaa caynkan sameeyey waxba tari mayso. Haddii aad doonaysaan is baddal naftiina ka bilaaba, oo marka dambe codkiina is baddal ku keena”.

“Xarumaheenu yaanay noqon kuwo been ah (Fake Institutions) aan ka bilowno oo warqadda codaynta aan wax ku doorano cidda wax qabanaysa ee yaynaan reer iyo qofaf ku dooran. Haddii aynu magacyadii uun dhisno oo xisbiyo jiraan oo dawladi jirto oo hay’ado kale jiraan oo aanu midnaba sidii la doonayay u shaqayn oo aynu canaan iskula wareegnaa waxba tari mayso. Annagu (WADDANI) waxaanu diyaariyay deegaan habboon oo aan is leeyahay xisbiyada waad ugu horraysaan. Golayaashayada xisbiga nooc walba way ku jiraan. Way ka muuqdaan. Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa tusaale idiin ah oo maalintii ay ka dhammaatay shantii sano ee la doortay ayuu isa soo taagay oo yidhi way iga dhammaatay shantii sano. Sidaasoo kale waxaanu nahay xisbiga kali ah ee ay haweenku ku jiraan hogaankiisa ugu sarreeya. Waxaan arkayay qolada KULMIYE oo lahayd ama madaxweynuhu ka hadlayo oo uu u qiiraysan haweenka oo wax laga baddalo. Golaha wakiilladana waxaad ogtihiin in KULMIYE ku leeyahay 60%. Ama aan idhaahdo Lixdan. Lixdankii KULMIYE ayaa diiday kootadii haweenka. Annaga intayadu waa labaataneeyoo, kooramba may buuxinayn. Sidaasoo ay tahayna haddana Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa hogaaminayay oo ka shaqaynayay in kootadii haweenka la ansixiyo oo geed iyo goleba kaga hadlay balse waxa ay ka socon wayday KULMIYE. Haddii ay marna Golaha ka soo celiyaan marna haweenka iyo dhallinyarada la ooyaan sax ma aha. Waxaan leeyahay KULMIYE waar haddaad wax qabanaysaan idinka ayaa joogee wax qabta. In lala ooyaa waxba tari mayso. Waa laga yaabaa in ay qaar yidhaahdaan Xirsiyow, waadigii shalayba joogay. Haayoo shalay baan joogay wax la qaban karo oo Legacy ahna waan ka tagoo dhismahaa weyn ee maanta dhallinyaradu ku faanayaan dadkii dhisay baan kow ka ahaa ee la bilaabay. Haayoo, da’da ay maanta sheeganayaan ee ay Golayaasha ku galayaan dadkii kala shaqeeyey ee xeerkii lagu dhimayay da’da ka shaqeeyey ee kala ololeeyey baan ka mid ahaa. Qolada maanta joogta xilka waxaan leeyahay waar ha odhanina waxaasaa la doonayaa ee cidda wax laga doonayo in ay qabataa waa xukuumadda. Waxaasaa loo baahan yahayda waxa iska leh xisbiyada mucaaradkee, ha nagu qabsanina hawshayadee ninkii xilka hayay in uu sidayadii ku celceliyo waxaasaa loo baahan yahay waar gar’ ma aha.  Annaga godkayaga ha nagu qabsanina’e, idinka ayaa la idinka rabaa waxqabadka. Ugu dambayn SONYO iyo guud ahaan dhallinyarada waxaan leeyahay haddii aad marka hore dhallinyarada u ololaysaan oo tidhaahdaan talada hala keeno oo aydaan marka dambe ee la doorto ka daba tagin oo kursiga marka ay tagaan aad ka hadhaan markaa taasi waxba tari mayso ee ha inna daalinina”. Ayuu yidhi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here