Harraadka Badan Oo La Ogaaday Sida Uu Caafimaadka Qofka U Dhaaawaco Iyo Sida Aanay Soomaalidu Ugu Baraarugsanayn Biyaha

0
626

Harraadku wuxuu keenaa fuuq-bax, biyuhu caafimaadka aad ayay ugu muhiimsan yihiin oo haddii jidhka ay ku yaraadaan waxay keenaan caafimaad darro, sida in kelyuhu ay dhaawacmaan, in jidhku uu sumoobo oo wasakhdii laga saari waayo, in cadaadiska dhiiggu uu hoos u dhaco, wareegga dhiigga uu yaraado, in macdanta jidhku ay isku dheelli tirnaan waydo iyo in wadnuhu  uu howl-gabo, jidhkana la gaadhsiin waayo dhiig ku filan, ugu dambayntiina qofka xubnihiisa jidhka ugu muhiimsan ay fadhiistaan kadibna uu dhinto.

Marka biyaha in si fiican loo cabo ayuu caafimaadku ku jiraa, haddii ay yihiin biyahana biyo wasakh leh oo caafimaad darro laga qaadi karo sida cudurrada saxarada laga qaado, cudurrada ay xooluhu gudbiyaan iyo gooryaannada iyo sunta laga cabi karo biyaha aan sifaysnayn ayaa iyana jirta.

Waxaas dhami waxay u horseedi karaan caafimaad darro, waxaan dadkeenna ILAAHAY SWT uga baryaynaa in uu oonka iyo abaarta ka qaado.

Dadka aan abaarta haysanin oo biyo hali karana waxaan kula talin lahaa in ay maalintii cabaan ugu yaraan 3 litir inkastoo ay ku xidhantahay meesha aad ku nooshahay cimilladeeda oo laga yaabo in intaa ka badan xitaa aanay waxba kugu taraynin.

Dad biyaha u caba oonka kaliya ama in ay cunnada ku calaajiyaan ama iska dajiyaan, waa muhiim in ay ogaadaan caafimaadka ku jira si ay ugu dadaalaan, waxay kaloo fariintani ku socotaa dadka ka caajisa cabitaanka biyaha ama ku mashquula waxyaabo ay isleeyihiin way idinka daycmayaan sida suuqleyda ama dadka ka shaqeeya xafiisyada iyo bangiyada, kuwaas oo aan rabin in ay musqusha u tagaan kaadida. Cabitaanka biyaha caadiga ah hala badsado.

Ilaahay wuxuu biyaha ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa sii dheer in jidhka bini-aadanka boqolkiiba 60% uu biyo ka samaysan yahay, muhiimna u yahay shaqo kasta oo jidhka ka dhacda.

Haddii biyuhu jidhka ku yaraadaan waxaa ka dhasha xanuuno badan oo aan la soo tira koobi karin, hadduu fuuqbax dhacana waa halis qofku u dhiman karo.

Inkastoo aan faa’idada laga helo cabitaanka biyaha aan la soo koobi karin waxaan isku dayayaa in aan ka hadlo inta ugu muhiimsan.

1- Biyuhu waxay dheellitiraan dheecaannada jidhka ku jira: dheecaanada ugu muhiimsan jidhka ee laga sameeyo biyaha waxay ka qeyb qaataan dheefshiidka, nuugista cunnada, wareega dhiigga, samaynta dhareerka, xambaaridda walxaha nafaqada si jidhka loo gaadhsiiyo iyo habaynta heerkulka jidhka, intaasiba waa laga maarmaan in qofku uu helo si uu u noolaado.

Jidhku wuxuu ku dadaalaa sidii loo heli lahaa biyo ku filan sidaas awgeed ILAAHAY SWT wuxuu maskaxda bini aadanka ku abuuray meel loogu talagalay in ay dareento oonka ama harraadka sidaas awgeedna qofka ku qasabta inuu biyo si degdeg ah ku raadsado si jidhka howshiisu aanay hakad u galin, waxay kaloo qeybtaasi maskaxda ay kontorooshaa meelo kale oo jidhka ka tirsan sida kelyaha, iyadoo haddii harraad yimaaddo kelyaha loo sheego in kaadida ay hakiso si loo badbaadiyo inta yar ee biyaha jidhka ku hadhay.

2- Biyuhu waxay ka qeyb qaataan kontoroolka tamarta jidhka: taas oo macnaheedu yahay in biyuhu ay buuxiyaan caloosha iyagoo aan jidhka ku soo kordhin wax miisaan saari kara, waana sababta ay dhakhaatiirtu ugula taliyaan dadka raba in ay iscaateeyaan in ay badsadaan cunnooyinka ku badan biyaha.

3- Biyuhu waxay awood siiyaan murqaha jidhka: unugyada murqaha waa u muhiim in ay helaan biyo ku filan si ay shaqada joogtada ah u wadaan oo ah in ay jidhka dhaqaajiyaan qeybihiisa kala duwan sidaas awgeed dadka cabitaanka biyuhu ku yar yahay waxay dareemaan caajis, tabardarri iyo murqo xanuun, waana sababta dadka jimicsada loogula taliyo in ay biyo ku filan cabaan oo iyagoo ooman aanay jimicsi samayn maadaama muruqyadu ay dhaawacmi karaan.

4- Biyuhu waxay quudiyaan oo nuuriyaan maqaarka jidhka: maqaarku wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan jidhka oo biyaha ka faa’iidaysto, waana astaanta lagu garto caafimaad ahaan marka qofku uu fuuqbaxo in maqaarka uu mugdi, qallayl, khafiif ah oo jiidjiidmo ayuu noqdaa, waxaana ka luma dhaldhalaalka.

5- Biyuhu waxay caawiyaan shaqada kelyaha: Biyaha waxay jidhka ka saaraan wasakhda iyagoo kelyaha geeya, waxayna ka shaqeysiiyaan qeybaha kala duwan ee kelyaha, haddii qofka kelyaha ay shaqada joojiyaan waxay keenaysaa in qofka ay suntu jidhkiisa ku ururto oo ku qasbanaado in la maydho oo mashiinno lagu xidho

Haddii cabitaanka biyuhu ay kugu yaryihiin waxaad halis ugu jirtaa in kelyaha ay dhagax ku samaysmaan.

6- Biyuhu waxay hagaajiyaan shaqada mindhicirrada: cabitaanka biyaha waxay ka hortagtaa calool-istaagga / saxaro adaygga, taas oo jidhka u leh faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi karin, waxay kaloo badbaadiyaan unugyada mindhicirradu inaanu dhaawac gaadhin.

Intaa haddii aan ku soo gabagabeeyo faa’iidada ugu badan ee biyaha laga helo, waxaa muhiim ah in la ogaado in cabitaanka biyaha nadiifta ah aanay badalkeeda gali karin shaaha, cabitaanada kale iyo dareerayaasha kalaba.

Waxaan kaloo ku boorin lahaa akhristaha qoraalkaan in biyaha la cabo subaxii hore ay ku jiraan caafimaad badan, Soomaalida waxaa lagu tiriyaa umadaha aan ku fiicneyn cabitaanka biyaha, maxaayeelay badanaa markaan harraadno oo kaliya ayaan biyaha cabnaa ama in cunno lagu cuno kaliya, aad ayayna u yar tahay in aad aragtid qof isagoo aan oomanayn biyo cabaya.

Ku dadaal cabitaanka biyaha, waa daawo aan waxyeello lahayn, haddii jidhka uu ku batane si aan dhib lahayn oo caafimaad ku jiro ayaa loo saaraa oo qashinka jidhka ayaa lagu raacsiiyaa. Biyaha waxa ay khubarada caafimaadku ku tirinayaan oo sidoo kale sannad walba daraasado hor leh lagu ogaadaa faa’iidooyinka aan la soo koobi karayn ee ku jira isticmaalka biyaha iyo sida Jidhka aadamuhu ugu baahan yahay. Wakhtiyada ugu daran ee waliba muhiimka ah waxa ay yihiin in qofku biyo la’aan isku dilo marka kulaylaha iyo waliba xataa qaboobaha oo uu qofku aanu harraad dareemayn balse mar walba jidhkiisu u baahan yahay biyaha. Dad badani illaa ay harraad dareemaan biyo ma cabaan taasina ma haboona waana halka ama ishaarada ugu dambaysa ee  qofka jidhkiisu ku muujiyo baahidiisa biyo waxaana loo baahan yahay in qofku caadaysto isticmaalka badan ee Biyaha. Dadka xafiisyada ka shaqeeya kuwa shaqooyinka farsamada ah qabta ee culculus dhammaantood waa in ay biyo ku filan cabbaan sidaa la innoo sheegay ugu yaraan qofku in uu 24-kii saac cabbo 8 koob oo biyo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here