Hargeysa, October 12, 2020- (Foore)- Salaasadii Toddobaadkii hore, kuna beegnayd 6-ka bishan October 2020-ka, ayaa magaalada Hargeysa si rasmi ah loogu soo afmeeray shirweynihii afraad ee Xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, kaas oo muddo saddex cisho ah ka socda Huteelka Mansoor .
Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ee ka qabsoomay kuna soo gunaanadmay Magaalada Hargeysa si nabad ah iyadoo hoggaanka shanta sanno ee soo socota loo cusboonaysiiyey hoggaankii hore, balse keliya waxa ku soo biiray hoggaanka Xisbiga Wasiir Saajin oo galay booska Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga,haseyeeshee majiraan wax kale oo iska baddelay qaab dhismaadka hoggaanka sarre ee Xisbiga.
Teeda kalena Xisbiga KULMIYE ayaa shir weynihiisii afraad ee uu Hargeysa ku qabsaday toddobaadkii hore wuxuu ku ansixiyey xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga,kuwaas oo lagu sameeyey kale huf iyo kala haadin, iyadoo meesha laga saaray shaqsi kasta oo aan xisbiga dani ugu jirin ama aanay hoggaanka Xisbigu kalsooni ku qabin,waxaase xusid leh in xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga laga dhigay xubno xul oo degaanada ay ka soo jeeda iyo guud ahaanba gobolada dalka cod uga keeni kara Xisbiga wakhtiyada doorashooyinka ee mustaqbalka dhaw.
Dhanka kalene falaqeeyayaasha Siyaasada Somaliland ayaa iyagu u arka Xisbiga KULMIYE mid degay shaxdii uu ku guulaysan lahaa doorashada mustaqbal dhaw ee Madaxtooyadda Somaliland,isla markaana uu qorshihiisu cadyahay, waxaanay u arkaan talaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Biixi ahna hoggaamiyaha Xisbiga KULMIYE qaar uu xisbigiisa ku bad-baadinayo,isla markaana ay dantiisa iyo ta Xisbigiisa ay ku jirto.
Geesta kalena shaxda iyo khidada Xisbiga KULMIYE ayaa ah mid uu ku doonaya inuu Madaxweyne Biixi uu mar kale ku guulaysto hoggaanka dalka,marka aad eegto habka loo dhigay xubnaha la soo miidhay ee golaha dhexe ee Xisbiga iyo Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga oo loo doortay Wasiir Saajin ,kaas oo loo carbinayo mustaqbalka inuu noqdo musharax Madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE,waxaanay muujinayaan talaabooyinkaas sida uu Xisbiga KULMIYE iskugu sii diyaarinayo doorashooyinka soo socda .
Waxa kale oo ay sheegaan dadka Siyaasadda Somaliland falaqeeyaa inuu tanaasulkii Saylici iyo cugashada Saajin iyo curinta xuluufada cusub ee siyaasadeed ay tahay xeelada Siyaasadeed oo uu KULMIYE degay, taas oo ah mid uu ku doonayo inuu guulo ka gaadho doorashooyinka soo socda,waxaana xusid muddan inay jiraan xeelado kale iyo talaabooyin kale oo uu Xisbiga KULMIYE qaaday shir weynihii uu dhawaan qabsaday,kuwaas oo ah qaar uu iskugu sii diyaarinayo doorashada mustaqbalka dhow ee Madaxtooyadda sidii uu guul uga gaadhi lahaa.
Docda Kalene Siyaasi Cali Guray oo arrintaas falaqaynaya ayaa labada Xisbi Mucaarad u soo jeediyey taladan “Arinku waa laba mid UCID iyo WADDANI in ay iskaga biiraan KULMIYE si ay Somaliland ugu celiyaan nidaamka xisbiga keliya. Iyo in Faysal iyo Cirro ay iskaga degaan xilalka oo fursad ay siiyaan kuwo badbaadin kara xisbiyadooda oo ogol in ururada la furo oo aan baqe ka qabin in ay waayaan xisbinimadooda.” Ayuu lku sheegay qoraalkiisa
Cali Guray oo qoraalkiisa siiwata ayaa sheegay haddii ay Hoggaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ay xilalka banyan wayaan inay taas fursad siin doono Xisbiga KULMIYE oo mar kale hanan doono hoggaaminta talada dalka “Labadaba hadii ay diidaan sidan hadda ay yihiinna sii ahaadaan taasi waxay fursad u noqon kartaa keliya Kulmiye, nin jecel iyo nin necebba, ururo la furayaana ma jirto.“Ayuu ku yidhi Qoraalkiisa .