Hargeysa, October 12, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe ayaa si adag uga hadlay doodaha la xidhiidha sharcinimada ku aaddan in uu ku soo baxay liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE isaga oo ah guddoomiye gacanta ku haya masuuliyadda adeegayaasha umadda oo ah shaqaalaha dawladda oo sharcigu ka reebayo in ay ku milmaan xisbiyada qaranka.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in aanu jirin sharci u diidaya in uu ka mid noqdo golaha dhexe ee xisbiga horena uu uga mid ahaa waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi: “Sharciyada ayaa wax hagta ee rayi qof waa aragtidiisa kaliya wax uu cabiray. Ma ihi shaqaale dawladeed (Civil Servant) waxaan ahay Gudoomiye Hayadeed, Sharciyad ii diidaysaana ma jirto ka mid noqoshada Golaha dhexe ee Kulmiye. Golihii horena ka mid ayaan ahaa, imikana waan ahay oo xubintii ayuunbaan ku soo noqday cirkana kamaan soo dhicin ee xukuumada xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay sida wasiirada, Gudoomiyayaasha Hayadaha kale ee Dawlada waxaanse si dhab u ogay una aqoonsanay in masuuliyada iyo xeerarka aanu ku shaqayno ay na farayaan waajibaadkayaga shaqo sida ay u farayaan wasiirada, xildhibaanada, Mayorada iyo masuuliyiinta kale ee Hayadaha Dawlada ee ku abtirsada Xisbul Xaakimka, taasina ay noo cadahay”
Waxa haddaba dood taasi ka duwan Iyana Guddoomiyaha ugu jawaabay Garqaano dhawr ah iyo dad shacab ah oo badankoodu ku doodaya in isaga iyo masuuliyiinta xilalka la midka ahba hayaa aanay sharci u lahayn ay kaga mid noqdaan maadaana ay yihiin adeegayaal Bulshada la rabo in ay dhex u noqdaan.
Garyaqaan Muuse Yuusuf oo loo yaqaano Muuse oo daba socday hadalka Guddoomiyaha ayaa yidhi sidan: “Horta U jeedada looga reebay masuuliyiinta aan ahayn xilka wasiir/wasiirxigeen/wasiirdawle, waxa weeye laba qodob. In aanay Agaasimeyaasha guud ka mashquulin shaqadooda iyo in aanay meesha ka bixin masuuliyada dhexdeednimadu. Al muhiim booskani waxa uu u dhigmaa ama yahay Agaasin. Sidaas oo ay tahay waa in loo dabaqaa Agaasimeyaasha guud. Ma jiro xeer u fasaxay in uu ka mid ahaado xisbi” Garyaqaan Muuse Yuusuf (Muuse Case).
Dhinaca kale garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah sharci yaqaannada da’da yar ee reer Somaliland oo isna ka hadlayay doodda Guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa uu yidhi: “Farxanoow shaqaale dawladeed baad tahay ha,yaddaaduna waxay ka mid tahay ha’yadaha ka madaxa banaan xukuumada under the constitution ,xeerka kala xadaynta xukuumada iyo ha,yadaha madaxa banaan ee dawladuna wuu kuu diidaya inaad siyaasada ku milanto” ayuu yidhi Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil