Hargeysa, October 5, 2020 (Foore) Toddobaadkii hore dhammaadkiisii ayey ahayd kolkii ay Magaalada Hargeysa ka dhacday falkii foosha xumaa ee ay sida weyn uga argagexeen bulshada Somaliland ku dhaqan, isla markaana ay sida weyn uga xumadeen, kaas oo ahaa mid ay koox dhalinyaro ahi ay si arxan darran ugu wax-yeeleeyeen Wiil dhalinyaro ah oo ka shaqaynayey maherad lagu Banjariyo taayirada gawaadhida,waxaana falkaasi lagu eedeeyey inuu gadhwadeen ka ahaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland
Falkan ayaa dhacay kadib markii uu muran soo kale dhex-galay Xildhibaan Kijaandhe iyo Wiilka ka shaqaynayey Mahareda Banjarle ah oo uu macmiil u ahaa Xildhibaanku, balse intaas kadib Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu soo kaxaystay saddex dhalinyaro ah oo uu isagu laba kamid ah dhalay,halka uu kalena ay ehel yihiin, kuwaas oo si arxan darran wiilkii Banjarlaha haystay u garaac,waxaanay ehelada wiilkanu sheegeen inay la dhaceen Birro, daawayaasha baabuurta iyo dhagaxaan, kaas oo koomo ku jiray muddo saddex cisho ku siman, isla markaana xaalad xun galay oo la dhigay Cisbitaalka Royal ee Magaalada Hargeysa.
Dhanka kalene Wiilkaas muruq-maalka ahaa ee ka shaqaynayey Maherada Banjarisa Baabuurta, ayaa hadda la sheegay inay xaaladiisu ay ka soo raynayso, kaas oo ka soo baxay koomadii uu ku jiray maal-mahan,isagoo hadda soo miiraabay, isla markaana ay xaaladiisu ka soo fiicnaanayso sidii hore.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo cisbitaalka Royal ku bookhday wiilkaas ayaa sheegay sidan “ninkan yar waa nin muruq maal ah wax uu ku mutaystaystay dhibtan loo geystay annigu garan maayo ,xaaladiisu hadda wey ka soo raynaysaa ,annigu waxaan sheegay inuu ninkaas saddex kun oo shillin uu ku dhintay oo neerfayaashiisii lagu baabiiyey oo lagu dilay,waxaan illaahay uga baryayaa inuu Caafimaad siiyo inta u dhiman “ Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa kale oo uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog uu u soo jeediyey ehelada wiilkan inay geeyey dhakhtarka Haldoor ee Magaalada Hargeysa si loo baadho neerfayaashiisa.