Hargeysa, October 5, 2020- (Foore)- Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel”, ayaa shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid ka duwan shirarkii hore ee Xisbiga,waxaanu sheegay inuu Xisbigii KULMIYE uu magaciisii uun sii jiro.isla markaana uu hal shaqsi u afduuban yahay.
Siyaasi Jaamac Shabeel oo la hadlayey Telefishanka HCTV ayaa ugu horayn ka hadlay Xisbiga KULMIYE sida uu ahaan jira awal “Xisbigu wuxuu ahaa Xisbi dimuqraadiya oo boosaskiisa loo tartamo oo la yidhaah waxaa fulin kari maynee ka saara oo talo wadaag ku socda oo kaatiriinta Xisbiga oo dhammi ay ka qayb-gasho, hoggaankiisa iska daayo waxa lagu tartami jiray ta golaha dhexe .” Ayuu yidhi
Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa sheegay Xisbiga KULMIYE inuu maanta ka meeqaam liito Xisbigii hantiwadaag kacaankii Somaaliyeed “Maanta kani wuxuu kaga duwan yahay sannad ku dhawaad ayeynu sii ogeyn ragga dooran in gacanta uun loo taagayo,taa macnaheedu waxa weeye dadkan meesha lagu soo ururiyey waxa loogu soo ururiyey sacabka iyo mashxarada dad ikhtiyaar la siiyey oo wax kale dooranaya ama wax diidaya maaha, xataa Xisbigii hanti wadaaga kacaanka Somaliyeed noocan muu ahayn,debada ayaa la isku soo jafi jiray.”
Geesta kalene Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa sheegay in Xisbigii KULMIYE uu magaciisii uun sii jiro“ Xisbigii KULMIYE magacii ayaa sii jooga taladii oo dhamina waxay ku ururtay hal qof,qofkaas ayaana u sabab ahaa in Guddoomiye ku-xigeenka afraad in la yidhaah waa lagu tartamayaa cid rayi ka duwan kiisa keeni kartaan ma jirto waa riwaayad dadkana waxa lagu soo ururiyey awooda iyo Dowlad-nimada maanta haddii uu ka dego ninkaas meesha cid iskugu imanaysaa dambena ma jirayso,haddii uu KULMIYE, kulmiyahayagii yahay Axmed Siilaanyo ayaa maanta fadhiyi lahaa shirka .” Ayuu yidhi
Dhanka kalene Jaamac Shabeel ayaa sheegay in Siyaasi qabo inuu tartamo oo lacagta laga qabto uu diiday Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi “sababta waxa weeye loogu diiday nin qudha ayey taladu ka go’daa ,tuseele haddii aan kuu siiyo Maxamed Ibraahin Qabo in lacagta laga qabto Qabo waxa la soo weydiinayey Xaajiga “ Madaxweynaha “ xaajigii ayaa yidhi haka qabanina ,waa markii ugu horaysay ee ay guddi qaban qaabo ay shuruudo musharaxiin sheegto.” Ayuu yidhi
Ugu Dambeyntii Siyaasi Jamac Shabeel ayaa si kulul u naqdiyey khudbadii uu Madaxweyne Biixi ka jeediyey shalay furitaankii shirweynaha afraad ee KULMIYE “ Khudbadii laga filayey iyo wax u dhow toona kamuu haddal wax-qabad ayuu ka sheekeeyey wax-qabadka u ka sheekeeyeyna waa intii ay Xukuumaddii Siilaanyo ay fulisay, mashariic socotay iyo qaar ay sii saxeexday ayaa ku jira ,wuxuu isagu soo kordhiyey wuxuu ku daray Barmaamijka shaqo qaran,khudbadiisa inta kale sheeko ayey ahayd, midnimada ummadda wuu ka been sheegay .”Ayuu yidhi