Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-Furay Shirweynaha 4-aad Ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE, Khudbaddii Madaxweynaha Iyo Jawigii Shirku Ku Furmay Shalay

0
639

Hargeysa, October 5, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay  shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE  oo maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex maalmood ah socon doona, ayaa waxa kasoo xaadiray  1,122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan) ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha golaha wakiillada  iyo ku-xigeenkiisa oo kamid ah xisbiga,  wufuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Taiwan, Jabuuti iyo  Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xubno ka socday axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn waxa uu shirweynuhu doortay Afar xubnood  oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo shirka hagi doona muddada uu socdo, kuna dabbaqi doona ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla, waxana ay xubnahaasi kala yihiin, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Mudane Cali Maxamed Cali (Cali Cali-yow), Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar Madar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha  xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray    guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada nugulka ahi.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey,  bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu  hore ugu talo galay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland. “waxaan u mahad naqayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo si qiimo badan oo odaynimo leh oo lexejeclo leh oo ah sidii xisbiga lagu yaqaanay in uu tanaasulo oo yidhaa haddii ay aniga iga dhawdahay waxaan ku soo dhawaynayaa wasiir Saajin. Aadbuu u mahadsan yahay Madaxweyne ku xigeenku. Madaxweynaheenii Hore iyo Bud-dhigii xisbiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aanay u suurto galin in uu kulanka innagala soo qayb galo waan u mahad naqaynaa wixii uu qarankan u soo qabtay. Ilaahay waxa aynu uga rajaynaynaa Caafimaad qab, cimro dherer iyo cibaado suubban. Shirkeenan KULMIYE Ee Afraad waxa uu ku soo beegmay isaga oo xisbigu 18 Jirsaday. Isaga oo laxaadsaday, isaga oo qaan gaadhay. Isaga oo ah marka ay dadku ugu xoog iyo awood badan yihiin. Waxa uu shirkeenani tusaale u yahay inta nabadda jecel, inta isku duubnimada iyo walaalnimada jecel. Inta Somaliland jecel ee waddaniyaddu ku weyn tahay. 18-kaa sannadood ee xisbiga KULMIYE jiray waxa uu 8 sannadood ka ahaa Mucaarid adag oo xukuumaddii markaa jirtay wixii danta qaranka ah kala shaqeeya. Waxa garab socotay isaga oo ahaa mucaarid luxdan oo dhimbiilo ka duulaan marla uu dhaliil arko. Xisbiga KULMIYE 10-ka sannadood oo kale talada labadii dawladood ee KULMIYE ee dalka isaga kala dambeeyey mudadii ay xilka hayeen horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah oo dhinaca nabadgalyada ah oo dhinaca isu soo dhawaynta Bulshada ah oo dhinaca xidhiidhka caalamiga ah oo la majeeran karo ayuu qaranka gaadhsiiyay 10-kii sano ee uu hayay”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi cabdi oo khubad dheer madasha shirk aka jeediyay.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo sidoo kale lagu gorfayn doono  arrimo muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here