Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Aasaasihii Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo Sababo Caafimaad Awgeed Uga Soo Qayb Gali Kari Waayay Shir-weynaha 4aad Ee KULMIYE

0
995

Hargeysa, October 5, 2020- (Foore) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Aasaasihii xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xaalad caafimaad awgeed uga soo qayb-geli kari waayay shirweynaha 4-Aad ee Xisbiga Kulmiye ee Shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Biixi oo furitaankii shir weynaha Kulmiye ee Shalay furmay Khudbad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyay ayaa ka hadlay sababta uu  Madaxweynihii hore ee Somaliland ama aasaasihii Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uga soo qayb gali waayay Shir Weynaha 4-aad ee Kulmiye, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu sababo Caafimaad awgeed uga baaqday shirka inuu kasoo qayb galo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ergadii Shirka fadhiday iyo marti sharaftii kale ka codsaday inay u duceeyaan in Alle caafimaad siiyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo wakhtigan ku sugan Dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta, Waxaanu ka codsaday in Faataxada loo maro Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo isla-markaana Caafimaad loo waydiiyo Ilaahay. Madaxweynaha iyo Ergooyinka shirka ka soo qayb-galay ayaa ilbidhiqsiyo aamusay,isla-markaana akhriyey Suuradda Faataxada iyagoo duco ahaan ugu niyeeyay.

Dhinaca kale, Daqiiqado kadib hadalkaasi Madaxweyne Biixi ku sheegay in arimo Caafimaad awgeed uu Siilaanyo uga baaqday Shirka Kulmiye, waxaa si deg deg ah u booqday Guriga uu Axmed Siilaanyo ka degan yahay Dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan Magaaladda Abu-dubai Boqor Cismaan Awmaxamud Buurmadaw.

Boqor Cismaan oo booqashadiisaasi iyo sababta kaga hadlay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi “Waar ha karaamo seegina habaar lagu kari waa, Sawirkaa hadlaya. Aasaasihii Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynihii hore ee Jamuuriyada Somaliland Axmed Mudane Siilaanyo ayaan maanta (Shalay)  ku booqday guriga uu ka degen yahay magaalada Abudhabi ee dalka Imaaraadka Carabta. Axmed Siilaanyo ayaa muddo saddex todobaad ah ku joogay fasax nasasho ah dalka UAE, wakhti Shirweynihii Xisbiga Kulmiye maanta(Shalay)  ka furmay magaalada Hargeisa”. Ayuu qoraalkiisa ku soo koobay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan dalka si kedis ah uga dhoofay iyada oo wakhti koobani ka hadhsan yihiin shirka KULMIYE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here