Baku, October 5, 2020- (Foore)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya dagalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga waddanka Azarbaijan ay dhirbaaxooyin culus ku dhufteen dhiggooda Armenia iyada oo xoguhu tibaaxayaan in deegaamo cusub oo hor leh ay la wareegeen Azerbaijan kuwaasi oo ay hore gacanta ugu hayeen Armeeniyiintu.
Madaxweynaha Azerbaijan Ilhaam Caliyeef ayaa sheegay shalay in ciidamadiisu ay calankooda ka taageen magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz, ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah, xilli ay dagaal kula jiraan Armenia.
Boqolaal qof ayaa isugu baxay caasimadda Azerbaijan ee Baku, ayaga oo dabaal degaya islamarkaana wadhfinaya ama lulaya calamo iyo boodhah ay ku qoran yihiin “Karabakh anaa leh, waana lahaan doonnaa abid.”
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen toddoba magaalo oo kale oo yar yar oo ka tirsan gobolka Karabakh ee la isku haysto.
Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa dhankeeda waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaadhan oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo gabadha afhayeenka dagaalka ah ee Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku inuu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay balse aanay jirin ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Armenia.
Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin.
Ciidamada gooni u goosadka ee gobolka Karabakh ayaa xaqiijiyey in dagaalka lagaga dilay 150 askari illaa iyo hadda, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashadoodu ay gaadhayso illaa 270 askari.
Waddanka Azerbaijan ma aanu bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha militari, in kasta oo maamulka dalkaasi ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo xalay ahayd in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadoodan.