Hargeysa, October 5, 2020- (Foore) Shir weynihii afraad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ay ka qayb-galeen ergooyin kor u dhaafay kun, waxaanu socondoonaa muddo saddex cisho ah.
Shirkan oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn loo haddal hayey isla markaana loogu dhegtaagayey ayaa hadda ah mid xamaasadiisii ay hoos u dhacday,kadib markii uu meesha ka baxay tartankii la filayey in lagu tartamo hoggaanka Xisbiga, iyadoo aanu jirin wax tartan ah oo ka dhex-dhacaya shirka,haseyeeshee masuul kasta loo cumaamadi doono jagada uu hadda ka hayo hoggaanka Xisbiga .
Shir weynahan ayaan waxa aan ka qayb-gelin Siyaasiyiin kale duwan oo Xisbiga KULMIYE door weyn ka soo qaatay gulihii uu ka soo hooyey doorashooyinka Madaxtooyadda ee dalka ka dhacay sannadihii 2010kii , ilaa 2017-kii ,kuwaas oo ay qaarkood qaadaceen inay qayb-galaan shir weynahan afraad ee Xisbiga oo ay ku sheegeen inuu yahay mid u afduuban Madaxweyne Biixi iyo kooxdiisa.
Waxa kamid ah Siyaasiyinta qaadacay inay shirkan ka qayb-galaan Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ,Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo,Hanti dhawrihii hore Siciid Saleebaan Mire iyo Wasiir Dowlihii hore ee wasaarada duulista iyo hawada ee Xukuumadii Siilaanyo Axmed Cali Baynax,kuwaas ayaan dhammaantood ka qayb-gelin shalay furitaankii shir weynaha afraad ee KULMIYE oo ay hore u qaadaceen ka qayb-galkiisa, waxaanay u muuqdaan inay ka dhabbeeyeen go’aankoodii ahaa in aanay ka qayb-geli doonin shirkaas.
Dhanka kalene waxa isna aan ka soo qayb-gelin shirkaas Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, kaas oo ahaa aasaasihii Xisbiga KULMIYE oo dhawaan markii uu soo dhawaaday wakhtiga uu qabsoomayey shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE dalka ka baxay,waxaana la is weydiinayaa sababta uu shirka uga maqnaaday inay tahay mid xidhiidh la leh muranka dumaasha KULMIYE ee Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo in kale ,waxaana xusid mudan in aanu Axmed Siilaanyo marnaba ka maqnaan saddex-dii shir wayne ee uu Xisbiga KULMIYE qabsaday ee kan ka horeeyey.
Si kastaba ah-ahaatee waxa shalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Hargeysa shir weynihii afraad ee Xisbiga KULMIYE ,kaas oo aanay ka qayb-gelin siyaasiyiin saluug ka muujiyey shirkaas,kuwaas oo qaarkood aanu magacyadooda idinla wadeegnay halka qaarna aananu idinla wadeegin.