Washington, October 3, 2020- (Foore)- Donald Trump waxa ku kulmay dhawr qodob oo halis gelin kara, waxaana ka mid ah da’diisa, miisaanka jidhkiisa iyo in uu yahay lab, arimahaas oo dhamaantood yareeya fursadaha qofku kaga kici karo fayraska korona.
Waa 74 jir cabbirka isku dheeli tirka dhererkiisa iyo miisaanka jidhkiisa ee BMI lagu cabiraana waa 30, taas oo ah in ah inuu aad u buuran yahay. Da’da weyn iyo cudurka oo qofka aad ugu xumaada xidhiidh baa ka dhexeeya, taas oo keeni karta in qofka isbitaal la dhigo ama uba dhinto. “Laakiin dadka cudurku ku dhaco badankoodu way ka kacaan” ayuu yidhi Dr Bharat Pankhania oo ka tirsan Jaamacadda Exeter oo BBC-da la hadlay. Dulucda 100 daraasadood oo hore oo lagu sameeyey xog laga soo ururiyey daafaha dunida, ayaa muujiyey halista caruurta iyo dadka da’ dhexaadka ah ay fayraska ugu jiraan ay yar tahay.
Hase yeeshee da’da 75 jirka ayaa lagu qiyaasay in 25 kii qof ee fayarasku ku dhaco in midkood u dhinto. Waxaanay halistaasi sii korodhaa oo noqotaa todobaadii qof ba mid, dadka da’doodu tahay 85 jir iyo afartii qof ba mid inta 90 jirka ah. Xaalado arintaas oo kale ah ayey daraasad ku ogaatay xarunta la dagaalanka iyo xakamaynta cudurrada Maraykanka ee CDC. Waxay sheegtay in sideed ka mid ah tobankii qof ee fayraska karona ugu geeriyooday dalka ay sideed da’doodu ka waynayd 65 jir. Dadka ku jira da’daa Trump ayaa shan goor uga halis badan hadii cudurku ku dhaco in isbitaal la dhigo, sagaashan goorna waxay halis ugu jiraan in ay u dhintaan marka la barbar dhigo dadka 20 jir ka ah. Ma cadda in sababtu tahay wax toos ugu xidhan da’da sida in uu daciifo difaaca jidhku markasta oo qofku weynaadoba ama in da’da qudheedu ba ay saami taban isku yihiin cudurrada.
“Da’da waxa sidoo kale lala xidhiidhiyaa cudurada wadnaha, kuwa sambabada, macaanka nooca la yidhaa typ 2 markaa way adagtahay in la garto in sababtu tahay da’da qudheeda ama xanuunada kale ee haya dadkaas da’da ah” ayuu yidhi Prof Ravindra Gupta oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge. Qofka oo aad u cayila ayaa iyadna ah sabab kale oo lala xidhiidhiyo cudurro kale oo halis ah. Daraasad ay samaysay waaxda caafimaadka guud ee England ayaa lagu ogaaday in miisaanka badan ee qofka fuulaa uu kordhiyo halista qofka ay ugu dhici karaan cudurro.
Way adag tahay in la saadaaliyo saamaynta fayraskani ku yeelan karo shakhsi ahaan Trump. Xog kasta oo laga hayo fayraskan korona waa mid guud oo la daraaseeyey laakiin ma aha mid lagu xaqiijin karo in sidaa ay noqonayso xaaladda madaxweynaha Maraykanku. Duruufaha caafimaad ee laba qof oo 74 jir ah ayaa waxyaabo badan ku kala duwan, waxaana sidoo kale farqiga u dhexeeya sii muujinayaa waa xanuunnada kale ee ay qabaan oo qaabayn kara sida ay uga bogsan karaan fayraska karona. Ilaa haatan lama oga in Donald Trump astaamahaas oo dhan uu leeyahay. “In da’diisu tahay xiligii dadku halista ugu badan ugu jireen fayraska macnaheedu maaha in uu halis geli karo ama u dhiman karo cudurka” ayey tidhi Dr Nathalie McDermott oo ka tirsan Jaamacadda Kings College London.