Hargeysa, October 1, 2020- (Foore)- Hirdan culus iyo iskaga dabqaadid labadii bilood u dambeeyay ka dhex socday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin kuwaasi oo ku loolamayay Gudoomiye Ku Xigeenka 4-Aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa la muuqda inuu hadda soo gunaanadmay.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kursigaasi ku fadhiyay muddo ku dhaw Toban sanno uu ugu dambayn sida wararku sheegayaan lagu qanciyay inuu tanaasulo islamarkaana uu u tanaasulo danaha Xisbiga Kulmiye iyo Isku duubnimada Gobolka uu kasoo jeedo, maadaama uu masuulkani kursiga ku fadhiisanaya ay isku Gobol kasoo wada jeedaan, islamarkaana uu qaato nidaamka Qori isku dhiibka ah ee Xisbiga Kulmiye sida ay noo sheegeen Illo-wareedyo aanu ka helnay dad lagu kalsoon yahay oo ka agdhaw Madaxweyne ku xigeenka.
Wararkan ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ka noqday go’aamaddii adkaa iyo qorshihii uu ku mashquulsanaa ee uu ku difaacayay Kursigan Kulmiye, islamarkaana waxa ay wararku sheegayaan inuu ka noqday qorsho maalmihii u dambeeyay Suuqa soo galay kaasi oo la sheegay inaanu shir weynaha Xisbiga Kulmiye ee afarta bishan furmaya ka qayb galayn, waxaanay wararku sheegayaan inuu ka noqday arintaasi islamarkaana uu shirka ka qayb galayo.
Inkasta oo aanu jirin War rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxweyne Ku Xigeenka oo arintani xaqiijinaya, hadana wararku waxa ay sheegayaan in Tanaasulka Saylici ku yimid dadaalo isdaba joog ah oo ay Salaadiinta iyo Waxgaradka Deegaanka uu kasoo jeedaa mudooyinkii u dambeeyay wadeen kaasi uu ugu dambayn Aqbalay, islamarkaana uu ku badeshay isku duubnimada iyo waddaag siyaasadeed ee ka dhexeeya Siyaasiyiinta Deegaankiisa, waxaanay wararku sheegayaan in Saylici, ka hor 4-ta bisha oo la filayo inuu shir weynaha Kulmiye Furmo, inuu Warbaahinta la hadli doono, kana sheegi doonno go’aanka ama tanaasulka uu qaatay.