Jiir weyn oo laga qaaday Afrika ayaa la guddoonsiiyay abaal marin caalami ah kaddib markii lagu guuleystay in loo adeegsado miino baadhista. Jiirkan oo lagu magacaabo Magawa waxaa loo adeegsaday in lagu soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin ah. Ha’yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay jirkan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baadhista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia. “Shaqadiisa oo aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia” sida ay sheegtay ha’yadda PDSA.
Jiirkani wuxuu uriyaa miinooyinka iyo qaraxyada. Biladda ha’yadda samafalka ee PDSA ay siisay jiirkan waxaa ku qornaa “Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay”, ilaa 30 xayawaan ayaa abaal marin la siinayay balse waxaa ugu horreeyay jiirka oo ku muteystay shaqada miino baadhista. Jiirka oo da’diisu lagu sheegay 7 jir waxaa lagu soo tababaray dalka Belgium- waxaana gacanta ku heysaa ha’ayad samafal oo la yiraahdo Apopo oo uu fadhigeedu yahay Tanzania- waxaana loo yaqaana ‘Jiirka halyeeyga ah’ , waxaa loo adeegsan jiray baadhista miinada iyo dadka qabo cudurka qaaada tan iyo sagaashamaadkii.
“Sharaf ayay inoo tahay in aan helno biladda noocan ah” waxaa sidaas yidhi madaxa fullinta ee ha’yadda Apopo, Christophe Cox xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee PA. Wuxuu intaas ku daray “Waa tallaabo micno weyn ugu fadhido shacabka Cambodia iyo guud ahaan caalamka oo la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhasha miinooyinka”
Jiirka Magawa waxaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.
Agaasimaha ha’yadda abaalmarinta guddoonsiisay jiirka Jan McLoughlin, waxay ku tilmaantay shaqadiisa “Mid kheyrul caadi ah oo waxtar weyn leh” “Magawa wuxuu badbaadinaya waxna ka baddalaya nolosha ragga, haweenka iyo carruurta ay saameeyeen miinooyinka, miino kasta uu soo saaro waxay ka hortageysaa halista dhimashada iyo dhaawaca”. Miinooyinka ayaa halis ku ah nolosha carruurta ku nool dalalka ay dagaallada ka dhacaan sida Soomaaliya iyo Ciraaq.
Sida laga soo xigtay ha’yada miinooyinka baarta oo la yiraahdo HALO Trust, dalka Cambodia miinooyinka waxay ku dhintay ama ku dhaawacmay in badan 64,000 qof, miinooyinkaas oo dhulka lagu aasay sanadihii toddobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii.