Ururka SOLJA Oo War-saxaafadeed Culus Kasoo Saaray Is Badallada Warbaahinta Dawladda Lagu Wado

0
560

Hargeysa, September 24, 2020- (Foore)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo isbaddalka xukuumaddu ku samaynayso warbaahinta dawladda iyo arrimo kale oo muhiim  u ah horumarinta saxaafadda guud ahaan iyo gaar ahaan tan dawliga ahba.

War-saxaafadeedk

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu soo dhawaynayaa tallaabooyinka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacygalinta Somaliland ku gudanayso waajibaadka saaran oo aanu muddo dheer ku soo bandhigayno fagaarayaasha sidii ay u fulin lahayd, maadaama ay xilal culus oo kala duwan Qaranka  u hayso. Warbaahin, Dhaqan iyo Wacyigalin waa meelaha ay bulshooyinka dunidu ka horumaraan haddii ay si fiican uga faa’iidaystaan, waxaananu u aragnaa sida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland dhigayo in la kobciyo aaraada iyo fikradaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay wariyayaashu u baahiyaan bulshada si loo helo fikrado cusub oo lagu horumariyo dalka.

Wasaaradda Warfaafinta qaybaheeda kala duwani inay si siman ugu adeegaan hay’addaha kala duwan ee qaranka waa mid meesha ka saaraysa in loo arko meel u adeegta uun kolba xukuumadda markaa talada haysa, waxaanay kalsooni siinaysaa haddii laga arko inay xilkeeda u gudanayso si dhex dhexaadnimo dhamaan bulshada kala duwan, waxaanay usoo jiidaysaa inay dadku ku xidhnaadaan.

Wasaaradda warfaafintu inay ka guurto dhaqankii shuuciga ee ahaa in ay u xidhnaato qaybo ka mid ah hay’addaha Dastuuriga waa mid ay ahayd in hore looga guuro, maadaama cidda laga maqlaa uun ay tahay waaxda fulinta, iyadoo ka arradnayd xataa hay’addaha Sharci dajinta, Garsoorka iyo Axsaabta, iyadoo marar badanna ay dhacdo in laga dhaleecayo haddii ay ka soo horjeestaan danaha xukuumadda hadba talada haysa.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa baraaruga wakhtigan ee Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda warfaafintu ku dareemeen heerka ay marayaan inay keento inay dib u habayn ku sameeyaan shaqada ay bulshada u hayaan oo haddii aanay dabaqabateeyeen ay meesha ka bixi lahayd inay hadal haynteedu gaadhi lahayd meel aan laga soo waaqsadeen.

Ma aha oo kaliya in wasaaradda warfaafintu bulshada xilligan kaga doonto taageero inay xisbiyada mucaaradka oo kaliya fursad usiiso doorkooda inay ku baahiyaan hase yeeshee waxa ka muhiimsan inay Telefishanka, Idaacadda, Radio-ga, Wargeyska iyo baraheeda bulshadu noqdaan kuwo u adeega bulshada kala duwan ama ay wasaaraddu bulshada u ogolaato idaacado u adeega bulshada (Radio Community), si ay xukuumadda uga dul qaadaan adeegyada gaarka ah ee ay u baahan yihiin.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa wasaaradda warfaafinta in laga dhigo hay’add Qaran oo ka madax banaan xukuumadda loona dhiso maamul loo dhan yahay oo ka madax banaan Xukuumadda, taasoo horseedi karta in ay si dhakhso ah u horumari karto. Waana nidaam ayay dalal badan oo adduunka ahi hore u qaateen.

Xeerka saxaafadda ee toddoba iyo tobanka sanno muranku ka taagan yahay dibu-habayntiisa, Qorsha la’aanta Wasaaradda Warfaafinta iyo siyaasadii lagu hagi lahaa wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan warbaahinta Dalka waxay tilmaamayaan inaanay wax horumar ah warbaahinta kala duwan ee Somaliland aanay samayn karayn, taasi na waa mid ku xidhan inay xukuumaddu si dhakhso ah u fuliso si ay ugu suurtogalaan waxyaabaha ay doonayaan inay imika bedelaan. Ururka SOLJA, waxa uu ku qanacsan yahay maamul ahaan haddii ay wasaaradda Warfaafintu gudaheeda saxdo xilkeedana u gudato sida uu Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu ba dhigayo inay Somaliland yeelan lahayd Muuqaal ka duwan ka ay imika leedahay, isla markaana meesha ay ka bixi lahayd dhaleecaymaha caalamiga ah ee kaga yimaadda gudaha iyo dibeda-ba.

Wasaaradda Warfaafinta waxa ku baxa dhaqaale ka badan Afar milyan iyo dheeraad haddana kama muuqato lacagtaasi qalabka ay ku shaqayso xarunta guud ee warfaafintu waa mid ka arradan qalabyada casriga ah, inta ay haysataan waa mid dayacan, sidoo kale, wariyayaasha laga doonayo inay bulshada u adeegaan oo gaadhaya in ka badan siddeeda boqol waa kuwo aan helin aqoontii ay ku gudan lahayeen xirfadooda waxaanay xukuumaddu u qoondaysay labaatan kun oo doolar oo kaliya oo u dhiganta waxaan ka badnayd afar Tababar.

Wasaaradda Warfaafinta Adeegyadeedu waa kuwa aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee Dalka, waxaanay dadweynuhu ku dhaliilaan halkii ay ahayd inay xogta rasmiga ah dalka ka gudbin lahaayeen ay ka jecel yihiin inay soo waaridaan dhacdooyinka ka dhaca daafaha dunida, kuwaas oo aan ka turjumayn baahiyaha kala duwan ee Dalka.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa inaanay wasaaradda Warfaafintu ka faa’iidaysan ama aanay hawl galin wariyayaashii ruug caddaaga ahaa ee qaranka, kuwaas oo dhamaantood ka mushahar qaata wasaaradda. sidoo kale, wasaaraddu kulama xisaabtanto wariyayaasha cusub ee hay’addaha SOLJA, Media Ink iyo kuwa kale ee Caalamiga ahi tababarrada siiyaan waxaanay ka muuqataa baahimaha kala duwan ee warbaahinta Qaran oo aan tayaysnayn haddii ay noqoto Nuxurka laga doonayo mawduucyada ay baahiyahaan iyo wakhtiga la dhagaysan karo oo ah mid aan qorshaysnayn oo ay dadweynuhu ka caajisaan.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa Wasaaradda warfaafinta iyo xukuumadda Somaliland ba inaanay ku baraarugsanayn cahdigan aynu ku jirno qaababka looga faa’iidaysto warbaahinta, isla markaana ay xukuumaddu u aragto cadaw, iyadoo aanay kuba talogalin wax qorshe ah oo ay kula macaamilayso, maadaama Somaliland ay ku socdaan dagaalo warbaahineed oo loo adeegsado hay’addaha dibadda iyo kuwa baraha bulshada, taasoo ah kaalin looga baahan yahay wasaaradda Warfaafintu inay qorshaheedan cusub ku darsato.

Wasaaradda Warfaafintu si ay u samayso barnaamijyo horumarineed waxa loo baahan yahay inay wariyayaasheeda u ogolaato inay si xor ah uga soo warrami karaan bulshada dhexdeeda, kooxaha siyaasadda, isla markaana madaxda kala duwan ee Qaranka horkeenaan bulshada si ay wax uga waydiin karaan adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta saddexda Tiir ee Qaranka.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta Qaranka waxa looga baahan yahay inay daraasad iyo qiimayn ku samayso dhagaystayaasheeda, si ay xog rasmi ah uga hesho sida ay dadweynuhu u arkaan baahintooda, isla markaana ay gaadhaan meelaha ka baxsan magaalooyinka sida Xoolo dhaqatada, Beeralayda, iyo dadka nugul ee ku nool deegaamadda Xeebaha iyo Buuralayda ee aanay gaadhin adeegyadda warbaahintu.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa Wasaaradda Warfaafintu inay hay’addaha kala duwan ee qaranka ku amarto inay Wariyayaasha Madaxa banaanka iyo kuwa Qarankaba xogta siiyaan isla markaanna fuliso qorshaha Qaran ee NDP2-ga, kaasoo Wasaaradda Warfaafinta iyo warbaahinta kale-ba fursad u siinayey inay dhaqaale ahaan iyo Aqoon ahaan ba dhismaan. Sidoo kale-na wasaaraddu xidhiidh dhaw la yeelato hay’addaha teegeera saxaafadda, kuwaas oo kala kulma wasaaradda caqabado kala duwan oo ay kow ka tahay inay u aragto cadaw, iyadoo aan siinin wax tas-hiilaad ah, halkay ka ahayd inay Somaliland soo dhawayso cid kasta oo codkeeda gaadhsiin karta dunida.

SOLJA, waxay wasaaradda warfaafinta kula talinaysaa inay joojiso tartanka dhaqaale ee ay warbaahinta gaarka loo leeyahay kula jirto si ay warbaahinta gaarka loo leeyahay u korto, maadaama aanay Dawladda ka helin kab dhaqaale oo ay kor ugu qaadi karaan baahiyahooda kala duwan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xisbiyadda Qaranka ugu baaqayaa inaanay u arag fursad ay kaga muuqan karaan warbaahinta Dawladda oo kaliya ee ay xoojiyaan tallaabo kasta oo lagu suurtogalinayo inay warbaahinta Somaliland guud ahaan noqoto mid horumarkeeda ay ku daba taagnaadaan Xukuumadda.

Ugu danbaytii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu Madaxweynaha Qaranka ugu baaqayaa inuu si dhaw ula socdo isbedellada cusub ee uu hormoodka ka yahay ee lagu dar dar galinayo adeegyadda warbaahineed ee Dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here