Hargeysa, September 21, 2020- (Foore)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadley burburka wadooyinka Magaalada Hargeysa, kuwaas noqday boholo biyo mareeno iyo laago,isla markaana aan indha laga qarsin karrin dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka iyo gadiidka kale duwan ee mara,
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxaamed Sadiiq dhamme oo kormeer ku soo maray qaar kamid ah jidadadkaas ayaa sheegay sidan “Waxaanu joognaa laagta marta ciidanka dabdamiska waa jid mihiim ah,ciidanka dabdamisku waa ciidanka badbaadada ,waa ciidan shaqo baddan haya wadadaasina maaha waddo ay ka maari karaan ciidanka dabdamisku iyo gaadiidka kale ee iskaga goosha Magaalada gudaheeda, hadda gaadhi ayaa ku dhacay qaar kalena waa laga samata bixiyey,masuuliyadaasina waxay saran tahay waa golaha deegaanka iyo Dowlada hoose ..”Ayuu yidhi Xoghayuhu.
Xoghaye Dhamme ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay si deg deg ah u dhisto jidka hormara xarunta ciidanka dabdamiska ee Magaalada Hargeysa kaas oo gebi ahaanba go’ay ,“Wadadaana waxaanu soo jeedinaynaa ciidanka dabdamiska madaamay shaqo weyn hayaan in wadadaas si deg deg ah loo dhiso si marka shil dhaco ay u helaan wado weyn oo ay maraan .”Ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme.
Waxaanu intaas ku sii daray Xoghaye dhamme oo haddalkiisa sii wataa “Waxaanu soo marnay waddooyin kale oo iyana halbowle ah oo ay gaadiidku dhib ku qabaan, dadku waa cashuur bixiyayaal, waxa laga qaadaa lacagtii waddo marista iyo cashuurihii kale, waxay xaq u leeyihiin muwaadiniintu inay helaan jidad wanaagsan oo ay gawaadhidoodu ay ku nabad galaan oo yareeya shilalka oo yareeya gawaadhida dhibtooda,jidkaa iminka dhib weyn ayaa lagu qabaa,masiibada ugu weynina waxay tahay marka uu roobku soo da’ana lama mari karro marka lamarana sidaas ayuu ugu dhacayaa gaadhiga maraa oo waxay noqotay bohol ,wadooyinkii magaaladuna waxay noqdeen xabaalo oo kale .”Ayuu yidhi
Dhanka kalena Xoghaye dhamme ayaa sheegay in wadooyinka Hargeysa marka la dhisayo ay yihiin qaar tayadoodu ay hoosayso oo aan loo samayn meelo biyo mareeno ah “Jidadkan go’ay ee ay sidan u dilayaan Biyaha iyo daadadku sababtu waa in aanu jirin marka hore meelo loogu talo galay oo biyo mareeno ah oo aan la dhisayn wado tayo leh,hanti maaliyadeed ayaa maalin walba ku burburta ,gaadiidku sababta ay ugu jajabayaana waxa weeye in aanay wadooyinkeenu lahayn tayo ,waxay noqdeen biyo mareeno,waxay noqdeen laago oo waxay noqdeen qaarkood boholo,waxaanu si deg deg ah ugu baaqaynaa Xukuumadda iyo Madaxweynaha iyo cid kasta oo ay khusaysoba in jidadka caasimada la dayac tiro golaha deegaanka shaqadooda iyo cashuurta aynu ka muwaadin ahaan bixinana lagu xisaabtamo.” Ayuu yidhi
Geesta kalene Xoghaye Maxamed Sidiiq ayaa u soo jeediyey Madaxweyne Biixi inuu la xisaabtamo Madaxweynuhu golaha degaanka ee Magaalada Hargeysa iyo Maayarka “Waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha inuu la xisaabtamo golaha deegaanka iyo Maayarkiisa oo la weydiiyo caasimadii Hargeysee ahayd muraayadii qarankani sida ay u eegtahay , jidadkeedu sida ay u eegyihiin , bilicdeedu sida ay u eegtahay ,wada waliba sida ay u go’antahay ee aan loo aqbali karrin marnaba , ummaddana waxaan u soo jeedinayaa inay ku xisaabtamaan cashuurtooda,dadku cashuurta ay bixiyaana in wax loogu qabto weeye ,maaha in guryo laga dhisto, maaha in cid gaar ahi ku liibaanto,maaha inay cidi gaar ah isticmaasho cashuurta, waa inay gashaa jidadka iyo dhulka iyo bilicda caasimada waana in ay ka muuqataa wadooyinkeena .” Ayuu yidhi.