Donald Trump Oo Ka Badbaaday Sun La Doonayay In Lagu Dilo

0
618

Hargeysa, September 21, 2020- (Foore)- Bushqad ay ku jirtay suntan loo yaqaanno ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka. Warqadani ayaa lagu qabtay horraantii toddobaadkan goobta lagu baadho warqadaha lagu soo diro boostooyiinka ee aqalka cad, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Waxay saraakiisha Maraykanku intaa ku dareen in walxaha laga dhex helay bashqaddaasi la sheegay in ay yihiin suntan loo yaqaano Ricin oo ah sun dilaa ah. Maaamulka madaxwayne Trump ayaan wali ka hadlin arrintani.

Laanta dambi baadhista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baadhayaan halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyinka Mareykanka. “Xilligan ma jirto halis ku soo food leh dadwaynaha ,” waxaa sidaasi telefishinka CNN u sheegay saraakisha FBI.

Mid ka mid saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska New York Times in bashqada ay walxaha sunta ku jirtay laga soo diray dalka Canda. Wararka qaar ayaa sheegaya in suntan loo yaqaano ricin la xaqiijiyay ka dib tijaabo ay sameeyeen saraakiisha laanta dambi barista ee FBI.

Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baadho “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”.

Waa walxo dilaa ah oo haddii la liqo ama uu qofka sanka saarto ama lagu duro sababi kara, yaq-yaqsi, mantag, dhiig gudaha kaaga furma iyo waliba xubnaha jidhkaaga oo shaqada gaba.

Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xidhan tahay inta uu qofku ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee Mareykanka.

Xaruntan ayaa sidoo kale sheegtay in suntan loo isticmaalo shirqoolada argagixisda islamarkana laga sameyn karo hub marka ay budada tahay.

Hore waxaa suntan loogu soo diray aqalka cad iyo dhismooyiin kale oo ay dowladda fedaraalka Mareykanku leedahay.

Sanaddii 2014, nin ku noolaa gobolka Mississippi ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig ah ka dib markii warqadan suntan Ricin la soo mariyay uu u diray madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo saraakiil kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here