Hargeysa, September 17, 2020- (Foore)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xasan iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku kala ragti duwananaa xaaladda Siyaasadda iyo gaar ahaan doorashadii Madaxtooyada ee ugu dambaysay, ayaa kulln foolka fool ah shalay ku wada yeeshay Magaalada Hargeysa. Kulankaasi oo xiiso weyn iyo xamaasad hadal haynteedu badnayd ka dhaliyay baraha Bulshadu ku kulanto.
Kulankan Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi dhexmaray ayaa ahaa mid ay albaabadu u xidhnayeen,waxaanu ka qabsoomay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ,kaasi oo isna ka soo muuqday muuqalo laga qaaday labada masuul.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreyey ee ay wada yeesheen ayaanay wax tafaasiil ah war-baahinta la wadaagin labada masuul, marka laga tago inay keliya ogoladeen in sawirro laga qaado, haseyeeshee kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu siyaasi Maxamuud Xaashi uu dhawaan qaaddacay inuu ka qayb-galo Shir weynaha afraad ee Xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE, kaasi oo laba toddobaad kadib la filayo inuu ka qabsoomo Magaalada Hargeysa, isaga oo dhaliilo culusna ujeediyey Madaxweyne Biixi iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Dhanka kalena xoggo hoose uu uu Wargeysa Foore ka helayo kullankaas dhexmaray labada masuul ayaa sheegaya inay Hoggaamiye Xirsi iyo Siyaasi Xaashi ay isla qateen inay dib ugu midoobaan Siyaasadda,isla markaana ay hal jeho ka soo wada jeestaan, waxaana la sheegay inay u balameen kulamo kale oo kan ka culus.
Si kastaba ha ayaatee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid gaar ah oo qoys ee aanu ahayn wax siyaasad ku shuqul leh mar uu waraysi siiyay Telefishanka SAHAN Tv.