Iska Hor Imaad Shacab Hubaysan Iyo Ciidamo Ku Dhex Maray Boorama & Khasaare Dhaawac Iyo Dhimasho Leh Oo Ka Dhashay

0
699

Boorama, September 17, 2020- (Foore) – Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro ayaa ka hadlay iska hor imaad shalay ka dhex maray Ciidamo ka tirsan Kuwa Bilayska Gobolka iyo Dad  shacab ah oo hubaysan kuwaasi oo dagaal dhex maray uu ka dhashay khasaare iskugu jira Dhaawac iyo Dhimasho.

Gudoomiye Tiimbaro oo Warbaahinta la hadlay Shalay markii uu dagaalkani ka dhacay goob dhul ah oo Boorama Dusheedda ah ayaa waxa uu yidhi “16-kii bishan September, waxa uu war nagu soo gaadhay Ciidamo isku urursaday meel magaalada Boorama dusheeda ah, Ciidankaasi markii ay Ciidan iyo Gudida nabadgalyada Gobolkuba hawlgal ugu baxeen, Ciidankaasi waxa uu rasaaseeyay Ciidankii Dawladda, Booliiskiibay rasaas la dhaceen”

Waxa kale oo uu yidhi “laba nin oo bilays ahi waa dhaawac, Askarina waa uu dhintay,hawlgalkaasi wuu socday, Waxaa lasoo qabtay Nin dhaawac ah,oo nimankii Dambiilayaasha ahaa ka mid ah, iyo saddex bad qaba, afartaanna Hawlgalkaasi ayaa lagu soo qabtay, arintani waxa ay dabada ku haysaa dhul iyo waxyaabaha caynkaas ah, kadib markii lasoo sheegay ciidankaasina, Ciidan ayaa ku baxay, khasaaraha dhacayna intaasi ayuu noqday, hawlgalkaasina wuu socdaa, wixii kasoo kordhana, waa lagu daba jiraa intii baxsatay, dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa Insha Allah” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Tiimbaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here