Ex. Xoghaye Jug-soo Dhacay Oo Masuul Hore Ku Eedeeyey Burburka Xisbigii UDUB

0
699

Paris, September 17, 2020- (Foore)- Xoghayihii guud ee Xisbigii UDUB Jaamac Yaasin (Jug soo dhacay ),ayaa markii ugu horraysay soo bandhigay sababihii keenay burburkii Xisbigaas iyo cidii ka dambaysay inuu saaxada siyaasadda Somaliland uu si fudud uga baxo Xisbigii UDUB iyo weliba cidii lahayd lacagtii sababtay khilaafkii bud dhiga u ahaa burburkii Xisbigaas .

Jaamac Yaasiin ayaa sheegay inuu Axmed Yuusuf Yaasin lahaa doorka ugu weyn ee burburinta Xisbigii UDUB ,waxanu xusay inuu Jamaal Cali Xuseen uu door ku lahaa sababihii burburintii Xisbigaas UDUB,isagoo sidaasi ku sheegay mar u dhawaan uu u warramayey Telefishanka Saab tv, waxaanu haddaliisu u dhignaa siddan :- “Inta aanan soo noqon ayaa Xisbigii la burburiyey waxa burburiyey ninkii aanu kaga tagnay ee Axmed Yusuf  Yaasin ayaa dumiyey oo annaga oo aan sannad-ba ka maqnay burburiyey Xisbigaa UDUB,odaygu iska foox leh ayuu ahaa oo qarash yar oo culus ayuu meesha ku qabay, markii uu wixii waayey ayuunbaa nin kiish weyn sita oo Jamaal Cali Xuseen la yidhaahdaa oo musharrax Madaxweynenimo u ordayey oo cidiisana “beeshiisa “ ka soo jeedaa meesha uu yimi dabaddeedna kii uun ayuu gosha gashaday oo uu la cararay,guddiyadii dhammaa ee hawlgelayey ee lixda ahaa ee soo baadhayey sababii Xisbiga looga guulaystay ee ay ahayd inuu mid waliba wax soo ururiyo debaddeeda Xisbiga la iskugu yeedho oo wixi ay soo ururiyeen guddiyadu laga doodo oo go’aan la soo saaro Xisbigii dib u habayntiisa loo ballan sanaaba,waxa ka soo soka maray nin kiish weyn sita oo musharrax Madaxweyne u ah Xisbiga shanta sanno ee soo socota dabadeed, wixiiba waa la soo qadimay oo wixii waxay isla soo baxday dollar ayaa fagaday, ninkii Guddoomiyenimda Xisbiga lagaga tegayna isagii ayaaba gacanta qabtay ninkii iyo kiishkiisiiba .” Ayuu yidhi Jaamac Yaasin .

Jaamac Yaasin ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu in Xisbigii UDUB in saaxada laga saaro uu Xisbiga KULMIYE qayb ka ahaa “Xisbiga KULMIYE laftiisa ayaa qayb ka ahaa burburintii Xisbigii UDUB,ninkan Xisbiga kaga tagnay ee Axmed Yuusuf Yaasin in aanu Madaxweyne ku-xigeenimo usoo noqonayn ayuu ogaa,ninka cidaada ah meesha dhig oo aad isku xidhnataan ayuu qabay .”Ayuu yidhi

Dhanka kalene Jaamac Yaasin ayaa sheegay in laba qoddob ay sabab u ahayeen Burburkii Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo masuuliyadii Xisbiga ee loo dhiibay dhanka kale u roggay iyo Xisbiga KULMIYE ee ay is hayeen oo garabsanaya Xukuumadiisii Siilaanyo “Laba ayaa isku kaaya galay marka ugu horraysa ninkii aanu masuuliyada Xisbiga kaga tagnay ayaa sixnigii dhankii kale u roggay oo nidaamkii Xisbiga iyo guddiyaashii la magacaabay ee isagu ku meel gaadh ahaan inuu u sii hayo ay ahayd ileen shir ayaanu dalbana ilayn waa la jabee sidii loo jabay iyo halka laga soo kaban lahaa ee la is weydiin lahaa ,waakan ninka kiishka sitaa yimi kii ayuu gosha gashaday,Xisbigii aanu is hayna ee Dowladnimada la wareegayna xoggtii ayuu helay dabadeedna hoostii ayuu ka balfiyey oo Xisbigii ayaa lagu dhex-dhacay Dowlada waad garanaysaaye hareeraha ayey qaniinyo kaga bilowday,ilayn Xisbi dhacay oo inuu kaco la doonayey ayuu ahayeeye,markii guddihiisa bamkii la dhigay uu ku qarxay aanu xoggtii maqalnay ee raggii kale ee masuuliyiinta Xisbiga ay noo soo gudbiyeen waxa uu meesha ka waddo ninkii lagaga tegay masuuliyada Xisbiga ,anniga iyo Riyaale Paris ayaanu isku arragnay waxaanu isla qaadanay inuu degdeg ugu noqdo dalkii oo uu ka gaadho Xisbiga inta aan la wareejin.”Ayuu yidhi .

Waxaanu intaas ku sii daray “Dastuurka Xisbiga nin laba sannadood xubin ka ahaa Xisbiga mooyaane, nin kale musharrax-ba kama noqon karrayn ,waxay dooneen inay musharrax ka dhigaan iyadoo la kale maqan yahay iyadoo aanu buuxin shuruudii kobaad ee ahayd ninkaas laba sannadood xubin ma ka ahaa Xisbiga , Lacag ayaa shaqaysay dollar ayaa fakaday in degdeg isagiiba loogu wareejiyo Xisbiga oo musharrax Madaxweyne laga dhigo ayaa la doonay .”Ayuu sheegay

Geesta kalene Jaamac Yaasin ayaa sheegay inuu Madaxweyne Riyaale ku dedeelay inuu Xisbiga baddbaadiyo, balse taasi ayaan u suurtagelin,waxaana ka awood baddatay Xukuumaddii KULMIYE iyo kooxdii uu hoggaaminayey Axmed Yuusuf Yaasin ee duubka u xidhatay in saaxada laga saaro Xisbigii UDUB “Riyaale ayaa dhoofay arrintii oo meel baas maraysa ayuu ku dhex-dhacay ilayn waa nin Madaxweyne ahaan jiray markiiba arrintii wuu qabtay,lakiin lama sii dayn ilayn dabada waxa ka shidaysa Xukuumaddii iyo Xisbigii KULMIYE ilaa caddaaladii xeer illaalintii ayaa ciladii gashay si hawl yar in Axmed Yuusuf Yaasin in looga soo celiyo masuuliyadii Xisbiga wey suurageli weyday oo horre ayey u suurageli weyday waxay qaadatay bilo ayey qaadatay inta ninkii Guddoomiyaha ahaa ee Daahir Riyaale Kaahin masuuliyadii Xisbiga loo soo celinayo, markaas ayaa welina dacwad la dul dhigay, Xisbigii markaas canfaray firixi dab dhagax lagu dhuftay ayuu noqday oo waa la kale saftay reernimo ayaa markaas loo kale saftay .”Ayuu kusoo afmeeray haddalkiisa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here